SilGor 1/9/2009 10:34:18 AM
Dowladda Taiwan ayaa sheegtey in ay maraakiib dagaal oo qayb ka noqda dadaalka caalamiga ah ee la damacsan yahay in lagula dagaalamo burcad badeedda Soomaalida ah usoo direyso xeebaha dalka Soomaaliya.
SilGor 1/9/2009 9:49:49 AM
Madaxweynaha cusub ee maamul goboleedka Puntland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa hadal uu jeediyey shalay kaddib markii loo doortay madaxweynenimada Puntland si cad u sheegay in ay lagama maarmaan tahay dadka ku dhaqan gobollada koofureed
SilGor 1/9/2009 9:27:55 AM
Warar naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in degmooyin ka tirsan gobolkaasi lagu arkay diyaarado milateri oo ku duulaya joog hoose, ayadoo aan la ogeyn sababta keentay dulimaadkooda iyo halka laga leeyahayba.
SilGor 1/9/2009 8:57:16 AM
Wararka ka imaanaya gobollada Bay iyo Bakool ayaa sheegaya in odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka goboladaasi ay kulamo ka yeesheen dhaqdhaqaaqyada mileteri ee uu Col. Barre Aadan Shire Hiiraale ka wado degaanadaasi, waxayna sheegeen inay arrintaasi ka soo horjeedaan,
SilGor 1/9/2009 8:37:57 AM
Ayadoo ay soo kordheyso tirada musharaxiinta xilka Madaxweynenimo ee Soomaaliya daneynaya kaddib markii uu is casilay Madaxweynihii hore ee DKMG Col. Cabdullaahi Yuusuf Axmed, ayaa wax ka yar 24-saacadood gudahood waxa soo if baxay in 2 nin oo ka tirsan xildhibaannada barlamaanku ay isu soo taageen jagadaas ka bannaanaatay DKMG.
HOL 1/8/2009 10:27:31 AM
Khamiis, January 08, 2009(HOL): Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya garabka Jibouti Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa ka digay in Baarlamaanka Soomaaliya uu doorto Madaxweyne ay yeelato Dowladda Federaalka Soomaaliya.
SilGor 1/8/2009 10:11:43 AM
Mas'uul ka tirsana Barnaamijka Cuntada Adduunka WFP ayaa waxaa toogasho lagu dilay galabta, xilli uu ka qayb qaadanayey hawl cunto qaybin ah oo ka socotay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.
SilGor 1/8/2009 9:47:02 AM
Ciidamada Marineska Mareykanka ayaa sheegay maanta in ay Soomaaliya ay u soo dirayaan ciidamo ka qayb qaata dadaalka caalamiga ah ee lagula dagaalamayo burcad badeedda Soomaaliya ee ku suggan xeebaha gacanka cadmeed iyo badweynta Hindiya
SilGor 1/8/2009 9:20:03 AM
C/raxmaan Max’ed faroole ayaa ku guulaystay xilka madaxweynenimo ee maamul goboledka Puntland kadib markii uu tartan la galay 8-musharax oo uu ku jiro madaxweynihii maamul goboleedka Puntland.
SilGor 1/8/2009 9:12:58 AM
Qarax maanta ka dhacay posteejada baabuurta laga raaco ee degmada Afgooye ayaa waxaa lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka degmada Afgooye.
SilGor 1/8/2009 9:02:00 AM
Saraakiil sare sare oo ciidamada Ethiopianka ee ku sugan magaalada Mudisho ayaa maanta waxaa ay sheegeen in ay diyaar u yihiin ka bixitaanka waddanka Soomaaliya.
SilGor 1/7/2009 11:59:57 AM
Dawladda Kenya ayaa ka noqotay qorshe ay ciidamo ugu soo diri lahayd Soomaaliya, kaddib markii wasiirka arrimaha dibedda Mr Moses watangula uu caddeeyey in waddankiisu uusan hadda diyaar u ahayn inuu ciidamo nabad-ilaalineed u dir Soomaaliya
SilGor 1/7/2009 11:30:55 AM
Ra'iisalwasaarihii hore ee DKMG xildhibaan Cali Maxamed Geeddi oo sida la sheegay daneynaya inuu isu soo taago xilka madaxweynenimada DKMG ayaa maanta kulan magaalada Nairobi kula yeeshay Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Sh. Aadan Madoobe)







'
World News