Madaxwenaha cusub ee Puntland oo koofurta Soomaaliya ugu baaqay inay maamul goboleedyo sameystaan

Madaxweynaha cusub ee maamul goboleedka Puntland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa hadal uu jeediyey shalay kaddib markii loo doortay madaxweynenimada Puntland si cad u sheegay in ay lagama maarmaan tahay dadka ku dhaqan gobollada koofureed ee Soomaaliya oo ay hadda dhibaatooyinka ka jiraan in ay sameystaan maamul goboleedyo madax banaan, si markaasi Federaal ahaan laysugu keeno gobollada dalka.

Madaxweyne Faroole waxaa uu tilmaamay inay iyagu Puntland haday yihiin ay doonayaan in ay kula noolaadaan Soomaalida inteeda kale wanaag iyo midnimo balse ay haboon tahay in marka hore maamul goboleedyo ay yeeshaan dadka reer Koofureed.

Waxaa ay dad badan arrinkaasi ka fahmeen qorshe ay Puntland ku dooneyso in ay gooni isugu taagto maadama aysan waxba ka noqon doonin xukuumadda midnimada qaran ee dhawaan Soomaaliya ay yeelan doonto.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Col.  Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayey wararka qaar sheegayaan inuu gacan ku leeyahay qorshaha Puntland ay ku dooneyso inay ka madax bannaanaato Soomaaliya inteeda kale oo ay ahaato gobol u madaxbannaan isticmaalka kheyraadkiisa.

Add New Comment