SilGor 1/14/2009 2:35:26 PM
Maxkamadaha Islaamka ayaa sheegatay in ay la wareegeen saaka Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium, halkaasi oo ay ka baxeen ciidanka Itoobiya.
SilGor 1/13/2009 12:10:36 PM
Dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa galabta ka dhacay degmada Kaaraan, kaasoo welwel weyn ku abuuray dhammaan degmooyinka ku yaal waqooyiga Muqdisho oo ayagu inta badan ahaa goobo xasiloon oo aan
Jowhar 1/13/2009 11:43:43 AM
Xoogaga Muqaawamada ayaa ku wada sugan meelihii ay ka baxeen Ethiopianka, iyadoona ay meesha ka baxday loolan iyo xafiiltin ay markii hore ugu jireen meelaha ay ka baxayaan Ciidamada Ethiopia oo labadii maalmood ay isku maandhaafsanaayeen
SilGor 1/13/2009 11:26:56 AM
Ciidamada Ethiopia ayaa xalay isaga baxay fariisimo muhiim ah oo ay ku lahaayeen xaafadaha ku teedsan waddada Warshadaha, halkaasoo in ka badan sanad iyo bar ay fariisimo ku lahaayeen.
SilGor 1/12/2009 3:20:45 PM
Madaxwenaha cusub ee dhowaantan ku guuleystay doorashooyinkii ka dhacay dalkaas Mr. John Atta Mills ayaa Midowga Afrika (AU) u sheegay in dalkiisu go'aansaday inuu ciidamo nabad ilaalineed u soo dirayo dalka ay dagallada sokeeye halakeeyeen ee Soomaaliya.
SilGor 1/12/2009 1:44:38 PM
Weeraro loo adeegsaday madaafiic ayaa maanta lagu qaaday xarunta madaxtooyada Somalia (Villa Somalia) ee Muqdisho, iyadoo sidoo kalana ay ciidamada dawladda madaafiic jawaab celin ahayd ay la beegsadeen Suuqa weyn ee Bakaaraha
SilGor 1/12/2009 9:41:50 AM
Ciidamada Ethiopian ah oo wata gaadiidka dagaalka ayaa dib ugu soo laabtay degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud.
SilGor 1/12/2009 9:16:37 AM
Siihaya xilka madaxweynenimo, ahna gudoomiyaha baarlamaanka DKMG Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta ku dhawaaqay tirada iyo magacyada Guddiga Doorashada madaxweynaha Soomaaliya.
SilGor 1/12/2009 8:28:18 AM
Isbeheysiga Dib-u-Xoreynta ayaa maanta kasoo hor jeestay hadalkii uu Aadan madoobe ku shalay ku sheegay in 26ka bishan Janaayo la dooran doono madaxweyne cusub oo ay Soomaaliya yeelato.
SilGor 1/11/2009 11:38:47 AM
Waxaa Habeennimadii Jimcaha ku geeriyooday magaalada Zurich ee waddanka Switzerland Allah u naxariiste Xaaji Axmed Xaaji Cabdiraxmaan Sayid Maxamad Cabdule Xasan oo ahaa shaqsi qaddarin ku lahaa jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Zurich. ileyhi raajicuun
SilGor 1/11/2009 9:52:50 AM
Golaha wasiirada ee dowladda KMG Soomaaliya ayaa sheegay in la diyaariyey ciidamadii bedeli lahaa ciidamada Ethiopia kuwaasi oo ka kala iman doona dowladda KMG iyo Isbahaysiga Dib-u-Xoraynta garabka uu hoggaamiyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
SilGor 1/11/2009 7:58:59 AM
Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa maanta soo saaray baaq ku aaddan joojinta colaadaha ka holcaya gobollada Galguduud iyo Sh/Dhexe.
SilGor 1/11/2009 7:37:28 AM
Ciidamada Muqaawamada oo saakay weeraray gaari teknikio ah oo ay wateen ciidamo Ethiopian ah oo marayey agagaarka warshadda Baastada, waxaana sida lasoo sheegay ku baqtiyey ugu yaraan 4-askari oo Ethiopian ah.







'
World News