Taiwan oo damacsan inay maraakiib dagaal u soo dirto xeebaha Soomaaliya

Dowladda Taiwan ayaa  sheegtey in ay maraakiib dagaal oo qayb ka noqda dadaalka caalamiga ah ee la damacsan yahay in lagula dagaalamo burcad badeedda Soomaalida ah usoo direyso xeebaha dalka Soomaaliya.

 warshipb copy.jpg

Qorshaha Taiwan ay ciidamada ugu soo direyso xeebaha Soomaaliya ayaa weli maraya heer qiimeyn ah oo lagu darsaayo sida ay suurtagalka u tahay in Taiwan ay qayb ka noqoto ololaha lagula dagaalamayo burcad badeedda Soomaalida ee halista geliyey marinka ugu muhiimsan isu socodka gaadiidka badda ee caalamka.

  

Xukuumadda Shiinaha oo ayadu aan Taiwan u aqoonsaneyn inay tahay dal madaxbannaan ayaa mar sii horreysay 3 markab oo nooca dagaalka ah u soo dirtay xeebaha Soomaaliya si loo ciribtiro burcad badeedda Soomaalida.

 

Hadalkan kasoo yeeray Taiwan ayaa ku soo beegmaya xilli 24 saac ka hor ay dowladda Maraeykanka ku dhawaaqday in markab dagaal oo ay leedahay uu ku soo wajahan yahay biyaha Soomaaliya, waxaana hadda ku sugan badaha Soomaaliya maraakiib dagaal oo fara badan, kana kala socda waddamo badan oo adduunka ah.


Add New Comment