Saraakiil Ethiopian ah oo sheegay inay diyaar u yihiin inay ka baxaa Soomaaliya

Saraakiil sare sare oo ciidamada Ethiopianka ee ku sugan magaalada Mudisho ayaa maanta waxaa ay sheegeen in ay diyaar u yihiin ka bixitaanka waddanka Soomaaliya.

 

Sarkaal asre oo taliye u ah ciidamada Ethiopia ee ku sugan wasaaradda Gaashaandhiga laguna magacaabo Col. Automatic oo maanta ka hadlayey banaanbax ka dhacay deegaanka tusbaxle ee degmada Dayniile oo  lagu taageerayo heshiiskii Jabuuti iyo dadaalada nabadeed ee uu wado Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa sheegay in aanan waxba iska badelin qorshahoodii ku aadanaa in Soomaaliya ay isaga baxaan islamarkaana ay diyaar yihiin oo ay  sugayaan   amar ugu yimaada madaxdooda sare.

 

Dadka banaanbaxayay oo tiraddodda lagu sheegay inay kor u dhaafeysay dhowr boqol oo qof ayaa waxaa ay ku dhawaaqayeen erayo ay ku taageerayaan gudoomiyaha Isbahaysiga  Dib-u-xoraynta sheikh Shariif Sheekh Axmed iyo Sheekh C/raxmaan Janaqow,waxaana la yaab ah in goobta banaanbaxaani ka dhacay  goobjoog ka ahaa saraakiil ka tirsan ciidmada dowladda KMG iyo kuwa Ethiopian-ah.

Add New Comment