silgor 11/25/2008 7:01:32 PM
Dowlada Ethiopia ayaa ku eedaysay xildhibaanada Barlamanka KMG Soomaaliya xil gudusho la'aan iyadoo sheegtay in ay mushaar u soo doontaan magaalada Baydhabo marka ay bishu dhamaato.
silgor 11/25/2008 6:52:57 PM
Waxaa saaka si heer qaran ah loogu aasay qabuuraha Xaaji Dalfac ee degmada Yaaqshiid, meydka marxuum Faarax Wehliye Caddow (Sendiko) oo dhawaan ku geeriyooday magaalada Qaahira ee waddanka Masar, shalayna Muqdisho la keenay.
silgor 11/24/2008 8:04:33 PM
In ka badan 200 ergo oo ka kala socda saddex ka mid ah beelaha dega gobolka Sh/hoose ayaa maanta kulan dib u heshiisiin ah uu uga furmay magaalada Marka ee xarunta gobolka Sh/hoose.Ergooyinkan oo iskugu jira hogaamiye dhaqameedyo, culumaa’udiin iyo waxgarad kale oo ka kala socda beelaha Jiido, Biyamaal iyo Garre ayaa kulankooda uga wada hadlaya sidii loo dhameyn lahaa khilaafaad iyo mad-madow mudooyinkan ka dhex jiray dadka ku abtirsada sadexdan beelood ee ood wadaagta ah.
silgor 11/24/2008 7:55:27 PM
Ra'isul wasaare Nuur Cadde iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa maanta u duulay dalka Jabuuti halkaasi oo kulan xasaasi ah ay ku leeyihiin wafuud kala mataleeysa Dowlada kmg Soomaaliya iyo Xubnaha isbeheysiga dib u xoreynta ee ku sugan halkaasi. Wafdiga uu hor kacay Ra'isul wasaaraha dowlada Kmg Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (N. Cadde) oo ay ka mid ahaayeen Xubno Baarlamaanka ka tirsan iyo Golihiisa wasiirada ayaa maanta u kicitimay magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti si ay ugu biiraan kulanka halkasi uga socda wafuud kala mataleeysa Dowlada kmg Soomaaliya iyo Xubnaha isbeheysiga dib u xoreynta garabka Jabuuti.
silgor 11/24/2008 7:48:48 PM
Odayaasha beelaha Hawiye ayaa maamulka cusub ugu baaqay in ay ka faa'iideeystaan Fursada Cusub ee ay heystaan isla markana shareecada islaamka ay ku dhaqaan gobolka Banaadir. Afhayeenka golaha dhaqanka iyo midnimada beelaha Hawiye nabadoon Axmad Diiriye Cali oo maanta shir jaraa'id ku qabtay gudaha magalada Muqdisho ayaa waxaa uu mamulka cusub ee gobolka Banaadir ugu baqay in ay shareecada islaamka ku mamulaan gobolka isla mrkaana ay ka fa'iideestaan fursada ay u heleen in hogaan cusub loog dhigo gobolka.
silgor 11/24/2008 7:41:33 PM
Banaan bax ballaaran oo lagu taageerayo Maamulka Cusub ee Gobolka Banaadir ayaa maanta ka dhacay qeybo ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir, iyadoona banaan baxaas ay isugu soo baxeen dadweyne fara badan oo taageersanaa Gudoomiaha Cusub ee Gobolka Banaadir.
HIIRAAN ONLINE 11/24/2008 4:42:02 AM
Gobolka Banaadir ayaa markii ugu horeysay waxaa xalay loo sameeyay maamul uu yeelanayo, kaasi oo markii ugu horeysay ay soo doorteen wakiillo ka socda Bulshada ku dhaqan Gobolka Banaadir. 54 Mudane oo ka tirsan Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir oo shalay loo dhaariyay xilkaas ayaa waxay xalay doorteen guddoomiye iyo labo guddoomiye ku xigeen oo uu yeelanayo Gobolka Banaadir. Maxamed Cusmaan Cali (Dhagax-tuur) ayay Xildhibaannada Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir u doorteen in uu noqdo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, halka C/fataax Ibraahim Sabriye Shaawey iyo Axmed Aadan Shiddo loo kala doortay Guddoomiye ku xigeennada koowaad iyo labaad ee Maamulka Gobolka Banaadir.
jawhar.com 11/23/2008 6:18:51 PM
Xubnaha Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir oo maanta lagu dhaariyay Hoyga Ra'iisul Wasaaraha ayaa inta badan codkooda ku doortay Musharaxa Maxamed Cismaan Cali (Dhagaxtuur) Xubnaha Golaha Deegaanka oo ka kooban 69-xubnood oo lagu soo xulay qaabka awood qeybsiga 4.5, isla markaana 54 ka mid ah ay xaadir ku ahaayeen xaflada lagu dooranayay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka hor inta aanay dooran Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Kuxigeenadiisa waxaa lagu hor dhaariyay Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo qaar ka mid Golihiisa Wasiirada.
iht 11/19/2008 8:38:03 PM
Video: Piracy: Old Trade, new stakes
Reuters 11/19/2008 8:10:31 PM
Ethiopia said Tuesday that it was not prepared to continue propping up Somalia’s interim government “indefinitely” and urged leaders there to embrace a peace process to end 17 years of conflict.
CBC Radio Current 11/19/2008 3:28:39 PM
Somali pirates have successfully commandeered two more ships over the past 24 hours -- this time a Greek bulk carrier and Thai fishing boat. That brings the total to nine ships seized in the Gulf of Aden and off the Kenyan coast in the past two weeks... the most spectacular being the hijacking of a huge oil tanker on Sunday. One exception though, this morning the Indian navy is saying one of its warships fought off pirates and destroyed their vessel after a short battle.
Listen
nazret.com 11/7/2008 9:37:27 PM
Congratulations to the new President of the United States of America, Barack Obama!! And Congratulations to all of our people from Ethiopia who have worked day and night to help Barack Obama get elected!!
AFP 10/23/2008 7:22:00 PM
MOGADISHU (AFP) — The French navy has arrested nine suspected pirates and handed them over to authorities in the breakaway Somali region of Puntland, French officials said Thursday.







'
World News