Qarax maanta ka dhacay Afgooye

Qarax maanta ka dhacay posteejada baabuurta laga raaco ee degmada Afgooye ayaa waxaa lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka degmada Afgooye.

 

Qaraxani oo loo adeegsaday miinada meelaha fog fog laga hago ayaa waxaa lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa maamulka degmada Afgooye oo marayay posteejada gaadiidka Aada magaalada Marka,waxaana ku dhintay 2 askari oo ka tirsan ciidamada maamulkaasi halka 2 kalena ay ku dhaawacmeen.

 

Kaddib markii uu qaraxu dhacay ayaa waxa hakad galay isu socodkii dadka iyo gaadiidka degmada Afgooye, waxaana markiiba yimid goobta uu qaraxu ka dhacay ciidamo ka tirsan kuwa maamulka.

 

Ma jiraan cid sheegatay qaraxaan maanta lagu dilay askar ka tirsan maamulka gobolka Sh/hoose waxana ay qaraxyada iyo weerarada ka dhanka ah ciidamada dowalada iyo kuwa Ethiopia ka noqdeen degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose kuwa dhawaanahani ku soo badanayay.

Add New Comment