USA oo ciidan u soo direysa badaha Soomaaliya

Ciidamada Marineska Mareykanka ayaa sheegay maanta in ay Soomaaliya ay u soo dirayaan ciidamo ka qayb qaata dadaalka caalamiga ah ee lagula dagaalamayo burcad badeedda Soomaaliya ee ku suggan xeebaha gacanka cadmeed iyo badweynta Hindiya.marines.jpg

 

Saraakiil u hadashay ciidamada badda Mareykanka oo ku sugan waddanka Baxrain ayaa waxay sheegeen in wadamao ay tiradoodu gaareyso 20  la filayo inay qeyb ka noqdaan hawl galka lagula dagaalamayo burcad badeedda, kaasoo soconayo taniyo dabayaaqada bisha haatan aynu ku jirno. Waxa kale oo ay ay sheegeen ciidamadu inuu hadda diyaar yahay markab kuwa dagaalka ah oo ay leedahay dowladda Mareykanka dhowaanna uu soo dhaqaaqi doono xagga biyaha Soomaaliya.

  

Maraakiib ganacsi oo ka badan 100 ayaa lagu wareeraray biyaha Soomaaliya tan iyo markii ay soo if baxday burcad badeedda ka hawl gasha gacanka cadmeed iyo badweynta Hindiya ee Soomaalida ah.

 

Lama hubo sida maraakiibta dagaal ee ajnabiga ah gacan uga geysan karaan tirtiridda burcad badeedda ku soo badatay mandiqaddan halbowlaha u ah ganacsiga caalamka ee Geeska Afrika.

Add New Comment