Odayaasha Baay iyo Bakool oo kasoo horjeestay Col. Barre Hiiraale

Wararka ka imaanaya gobollada Bay iyo Bakool ayaa sheegaya in odayaasha dhaqanka  iyo waxgaradka goboladaasi ay kulamo ka yeesheen dhaqdhaqaaqyada mileteri ee uu Col. Barre Aadan Shire Hiiraale ka wado degaanadaasi, waxayna sheegeen inay arrintaasi ka soo horjeedaan, isla markaasina ugu baaqeen xildhibaan Hiiraale inuu ka waantoobo colaadda uu hurinaayo.
Afhayeen u hadlayay odayaashaas kulmay ayaa warbaahinta u sheegay inaan loo baahneyn in degaanada Bay iyo Bakool laga huriyo colaad, Barre Hiiraalena ay tahay inuu joojiyo dhaqdhaqaaqa ciidan ee uu ka wado degaannadooda.

Sidoo kale Waxgaradka beelaha Digil iyo Mirifle waxay ka wada hadleen sidii degaanada gobollada Baay iyo Bakool nabad loogu soo dabbaali lahaa, iyagoona walaac ka muujiyay dagaalada ka soo cusboonaaday goboladooda oo ay ku hardamayaan kooxaha Islaamiyiinta, Dowladda iyo kuwa shisheeye.

Dhinaca kale Waxgaradka beelaha Digil iyo Mirifle ayaa ku baaqay guud ahaan dhinacyada ku dagaalamaya degaanadooda inay joojiyaan dagaallada, iyagoona qasaaraha ka dhashay dagaalada ka dhacaya degaanadooda ay dusha ka saareen Dowladda iyo kooxaha ka horjeeda ee Islaamiyiinta ah.

Add New Comment