Puntland oo yeelatay Madaxweyne cusub

C/raxmaan Max’ed faroole ayaa ku guulaystay xilka madaxweynenimo ee maamul goboledka Puntland kadib markii uu tartan la galay 8-musharax oo uu ku jiro madaxweynihii maamul goboleedka Puntland.

 

Kadib doorashooyin maanta ka dhacay xarunta Barlamanka ee magaalada Garoowe ayaa waxaa xilka madaxweynenimo ee maamulkaasi ku guulaystay C/raxmaan Max’ed faroole oo la sheegay in uu helay codadkii ugu badnaa ee xildhibaanada Barlamanka Maamulkaasi.

 

Doorashada oo ay usugu soo hareen madaxweynihii hore ee maamulkaasi Cadde Muuse iyo C/raxmaan Max’ed faroole ayaa waxaa uu C/raxmaan ku gulaystay ilaa 40-cod oo uu ka helay Barlamanka Puntland oo isaguba gaaraya 60-mudane.

 

Kadib markii la shaaciyay in uu xilka madaxtinimo uu ku gulaystay C/raxmaan Max’ed faroole ayaa waxaa u mahad celiyay shaqsigii la tartamayay ee Cadde Muuse Xersi isagoo sheegay in uu la shaqeyn doono madaxweynaha cusub.

 

Goobta ay maanta codbixintu ka dhacaysay ayaa waxaa gaba gabdii doorashadaasi qudbad ka jeediyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed isagoo ugu baaqay madaxweynaha cusub in uu howsh ugu horeysa ee uu qabanayo ay tahay sidii uu ugu shaqeyn lahaa ammaanka gobolada Puntland.

 

Dhinaca kale waxaa iyana maanta la doortay madaxweyne ku xigeenka  maamul goboleedka Puntland taasi oo iyana codaynteeda la bilaabay markii ay soo gab gabowday tartankii madaxweynenimo.

 

Ku xigeenka madaxwenaha ayaa waxaa u kala tartamayay C/Samad Cali Shire iyo Sulaymaan xal matoosiye,waxaana intii ay socotay doorashadaasi banaanka kaga baxay Sulaymaan Xal matoosiye iyadoo xilkaasina uu ku guulaystay C/Samad Cali Shire oo noqday ku xigeenka madaxweynaha Puntlnad.

Add New Comment