Kenya oo ka noqetay inay ciidan u soo dirto Soomaaliya

Dawladda Kenya ayaa ka noqotay qorshe ay ciidamo ugu soo diri lahayd Soomaaliya, kaddib markii wasiirka arrimaha dibedda Mr Moses watangula uu caddeeyey in waddankiisu uusan hadda diyaar u ahayn inuu ciidamo nabad-ilaalineed u dir Soomaaliya, laakiin ay diyaar u yihiin inay Soomaaliya  ka caawiyaan  dhinaca tababarka ciidamada Boliiska  iyo  ilaalinta canshuuraha.

Mar uu magalada Nairobi kula kulmay sii hayaha xilka madaxweynaha Soomaaliya  Sheekh Aadan Madoobe ayuu Mr. Watangula sidaasi ka sheegay, waxa kale oo uu ku wargeliyey in madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki uu taageersan yahay shirka madaxda IGAD ee la qaban doono 15 ka bishan Janaayo ee lagaga wada hadli doono arrimaha Soomaaliya.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa asagana dhankiisa waxa u caddeeyey dawladda Kenya in si deg-deg ah loosoo dhisi doono guddiga qabanqaabada doorashada, kaddibna sida ugu dhaqsida badan loo soo dooran doono Madaxweyne ay Soomaaliyeed.

 

Waxa kale oo uu Gudoomiyaha Barlamanku caddeeyay in uusan isku soo taagi  doonin inuu qabto madaxweynenimo ee dalka Soomaaliya.

 

Kenya ayaa horay ugu dhawaaqday in ciidamo 8-kun gaaraya ay u soo dirayaan wadanka Soomaaliya xili uu cadaadis ku aadanaa bixitaanka ciidamada Ethiopia ee dalka Soomaaliya.

Add New Comment