Aadan Madoobe iyo Geeddi oo ku kulmay Nairobi

Ra'iisalwasaarihii hore ee DKMG xildhibaan Cali Maxamed Geeddi oo sida la sheegay daneynaya inuu isu soo taago xilka madaxweynenimada DKMG ayaa maanta kulan magaalada Nairobi kula yeeshay Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Sh. Aadan Madoobe) oo ah sii hayaha xilka Madaxweynenimo ee Soomaaliya, ahna Afhayeenka Baarlamaanka, iyagoona kulankaas uga wada hadlay arrimo dhowr ah oo ay ugu horreeyso doorashada lagu wado dhowaan lagu wado inay ka dhacdo xarunta barlamaanka Soomaaliya.

Kulankan oo ka dhacay hoteelka uu magaalada Nairobi ka deggan yahay Sheekh Aadan Madoobe ayaa yimid kaddin markii uu halkaas booqasho gaaban ku soo gaaray mudane Geeddi oo u sheegay inuu isu taagi doono doorashada la filayo in dhowaan lagu soo doorto madaxweyne ay Soomaaliya yeelato, kaddib markii uu xilkaasi iska casilay madaxweynihii hore Col. CabdullaahiYuusuf.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa sida warar lagu kalsoon yahay sheegayaan dhowaan ku soo laaban doona magaalada Baydhabo halkaasoo ay ka billaaban doonto qabanqaabada doorashada qofka qaban doona xilka madaxwenenimada.


Add New Comment