Mas'uul ka tirsan WFP oo Muqdisho lagu dilay

Mas'uul ka tirsana Barnaamijka Cuntada Adduunka WFP ayaa waxaa toogasho lagu dilay galabta, xilli uu ka qayb qaadanayey hawl cunto qaybin ah oo ka socotay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

 

Masuulkan maanta lagu toogtay Dayniile ayaa waxa magaciisa lagu sheegay Cumar Macalim Cali, waxayna dad goobjoogayaal ahi sheegeen in ay dilkiisa geysteen niman dhallinyaro ah oo ku hubeysnaa bastoolado.

 

Waxa kale oo la sheegayaa in raggii ka dambeeye dilka mas'uulkani ka tirsani WFP ay horey u kaxeysteen gaarigii uu watay ee uu kusoo gaaray goobta ay hawshu ka socotay.

 

Lama oga ujeedada rasmi ahaan ka dambaysa dilka gudaha degmada Dayniile loogu gaystay  mas'uulkan ka tirsanaa hay’adda WFP, waxana uu noqonayaa mas'uulkii labad oo ka tirsan hay’adda WFP oo isbuucaan gudihiisa lagu dilo Koofurta dalka Soomaaliya,

 


Add New Comment