Xildhibaan Gacadheere oo sheegay inuu u taagan yahay jagada Madaxweynenimada Soomaaliya

Ayadoo ay soo kordheyso tirada musharaxiinta xilka Madaxweynenimo ee Soomaaliya daneynaya kaddib markii uu is casilay Madaxweynihii hore ee DKMG Col. Cabdullaahi Yuusuf Axmed, ayaa wax ka yar  24-saacadood gudahood waxa soo if baxay in 2 nin oo ka tirsan xildhibaannada barlamaanku ay isu soo taageen jagadaas ka bannaanaatay DKMG. gacmaB.jpg

Xildhibaankii ugu dambeyey ee ay kasoo yeerto inuu u taagan yahay jagada madaxweynenimada Soomaaliyana waa xildhibaan Maxamed Maxamuud Gacmadheere oo haatan ku sugan dalka Masar, isagoona sheegay in haddiiisaga lasoo doorto uu dalka u horseedi doono isbedello la taaban karo oo dhinac walba leh, gaar ahaan soo celinta kala dambeynta iyo sugidda ammaanka guud ee dalka.

Xildhibaan Gacma Dheere oo isagu dhowaan ku hungoobay inuu helo kalsoonida barlamaanka, kaddib markii uu madaxweynihii xilka iska casilay u soo magaacaabay inuu noqdo ra'iisal wasaare, taasna ay markii dambe keentay inuu ku dhawaaqo inuu iska casilay jagadaas.

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma Dheere) ayey dad badan oo Soomaaliyeed qabaan inuu lug ku lahaa dhibaatadii loo geystay dadka reer Muqdisho ee isugu jirtay dilka, dhaca iyo barakicinta, kaddib markii ay falalkaasi dhaceen asaga oo markaas ahaa wasiirkii arrimaha gudaha ee Soomaaliya, laakiin Mr. Guuleed ayaa isagu arrintaas dhowr jeer oo hore  ku gacan  seyray.


 

Add New Comment