Dayaarado dagaal oo lagu dul arkay Gobolka Gedo

Warar naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in degmooyin ka tirsan gobolkaasi lagu arkay diyaarado milateri oo ku duulaya joog hoose, ayadoo aan la ogeyn sababta keentay dulimaadkooda iyo halka laga leeyahayba. 

Warar aan la hubin ayaa sheegaya in dad reer Baardheere ay ku sheekeysanayeen in dayaaradahan laga leeyahay waddanka Mareykanka, dayaaradaha la arkay oo ah laba nooc oo kala duwan ayaan wax cad loo heyn in ay leeyihiin ciidamada cirka ee Mareykanka.fighter.jpg

Xeeldheerayaal milateri oo ku sugan degmada Baardheere ayaa sheegay in diyaaradahaasi ay ku jirto diyaaradda lnooceedu yahay AC-130, taasi oo ay sheegeen inay ciidamada cirku u adeegsadaan sahanka, ayadoo awood u leh inay wax basaasto oo ay sawirro kasoo qaaddo meelaha ay ku sugan yihiin ciidankii markaas la doonayo in lasoo ogaado halka ay ku sugan yihiin. 

Dayaaradahan ayaa sida lasoo sheegay inta badan duulimaadyadooda fuliya waqtiyada habeenkii ayagoona guuxooda si aad aha loogaga maqlo dhammaan meelaha ay dul maraan.


Add New Comment