Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Garabka Jibouti oo ka digay in Baarlamaanka Soomaaliya uu doorto Madaxweyne ay yeelato Dowladda Federaalka

Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Garabka Jibouti oo ka digay in Baarlamaanka Soomaaliya uu doorto Madaxweyne ay yeelato Dowladda Federaalka

Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya garabka Jibouti Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa ka digay in Baarlamaanka Soomaaliya uu doorto Madaxweyne ay yeelato Dowladda Federaalka Soomaaliya.


“Arrintaas haddii ay dhacdo waxaa ay ka hor-imaaneysaa heshiiskii Jibouti, heshiiska la gaarayna wuxuu dhigayay in la dhiso Dowlad-Midnimo-Qaran, iyadoo la isku biirinayo Xubnaha Baarlamaanka TFG-da iyo Xubno Baarlamaan oo ka imaanaya Isbaheysiga Dib u xoreynta iyo Bulshada Rayidka Soomaaliyeed kuwooda aan ku jirin Isbaheysiga, marka waxaan leenahay yaanan wax lala ordin ee ha laga shaqeeyo sidii loo dhaqangelin lahaa heshiiskii Jibouti”ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo isagoo ku sugan Dalka Liibiya u waramayay Idaacadda Shabeelle ee Magaalada Muqdisho.

Shiikh Shariif Shiikh Axmed waxaa uu sheegay in madaxweyne kale oo loo sameeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya aanu wax badan ka bedeli doonin xaaladda dalka Soomaaliya oo uu sheegay in ay u baahan tahay in wax ka qabashadeeda loo midoobo.

Hadalka uu sii daayay Shiikh Shariif ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo shalay uu sii hayaha Xilka Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe) uu Nairobi ugu sheegay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya in ay Baydhabo tagaan si ay 21 maalmood gudahood madaxweyne ugu doortaan.

Dhanka kalena, Shiikh Shariif Shiikh Axmed waxaa uu ka hadlay in aysan Ciidamada Itoobiya weli ka bixin Soomaaliya, ayna gobollo kale oo hor leh soo galeen, wuxuuna sheegay in ay taasi uga sii dareyso xaaladaha ammaan ee ka jira Sooamaliya, wuxuuna carrabka ku dhuftay in aan loo baahneyn in la sii daadiyo dhiigga dadka Soomaaliyeed.

Add New Comment