SilGor 3/30/2009 7:53:08 AM
Amiirka Dowladda Qatar ayaa dalkiisa casuumaad rasmi ah ugu fidiyay hoggaamiye Sheekh Xasan Dahir Aweys oo wax ka hoggaamiya Ururada Islaamiga ah ee kasoo horjeeda dowladda Madaxweyne Sheekh Shariif kuwooda ugu awoodda badan
hiiraan.com 3/29/2009 5:47:45 PM
Xaawo Shiikh Axmed (Xaawo Taako) oo ka mid ahayd Xiddigaha Kooxdii Kubadda Kolayga LLPP iyo Xulka Qaranka Soomaaliya ayaa waxay 19 sano kadib ku laabatay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho
SilGor 3/29/2009 10:49:34 AM
Madaxweynaha Dowlada Midnimada Qaran ee Soomaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa goor dhow ka duulay gegida diyaaradaha ee Aaadan Cadde International Airport
SilGor 3/28/2009 3:15:04 PM
Madaxweynaha Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen socdaalkii uu ku soo kala bixiyey dhowr dal oo Afrikaan ah, hadalkii dhowaanta ka soo yeeray hoggaamiyaha Al-Qaida Osama Bin Laden
SilGor 3/27/2009 10:09:54 AM
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa goor dhow dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho, maalin kaddib markii wasiirka Arrimaha Gudaha Sheekh Cabdulqaadir Cali Cumar uu ka badbaaday isku day la rabay in lagu khaarijiyo
SilGor 3/27/2009 9:55:29 AM
Koox Burcad-badeed Soomaali ah ayaa xeebaha koonfureed ee waddanka Soomaaliya ka qafaashay markab laga leeyahay wadanka Norway, markabkaas oo ka yimid Khaliijka kuna sii jeeday dekedda magaalada Mombasa ee waddanka Kenya
SilGor 3/26/2009 3:45:20 PM
Kaddib markii ay dagaalladii sokeeye dalka Soomaaliya ka billowdeen sanadihii 90-meeyadii ayaa waxay dad badani dantu ku kalliftay inay isaga haajiraan dalkoodii hooyo, ayagoo hijradoodaasi dheer ka billaabay waddamada deriska la ah Soomaaliya, ayadoo intaas kaddibna ay qaarkood nasiib u yeesheen inay u sii gudbaan waddamada
SilGor 3/26/2009 11:54:11 AM
Xubno ay ka mid yihiin Sheekh Cabdiraxiim Ciise Caddoow, Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha-cadde), saraakiil ka tirsan Maxkamadaha iyo xildhibaano ayaa goor dhow booqday Wasiirka Arrimaha Gudaha Sheekh Cabdulqaadir
SilGor 3/26/2009 11:41:33 AM
Ra'iisul Wasaaraha Dowladda Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa cambaareeyay isku daygii la doonayay in lagu qaarijiyo Wasiirkiisa Arrimaha Gudaha Sheekh Cabdulqaadir Cali Cumar, kaddib markii maanta lala beegsaday qarax miino oo ka dhacay agagaarka Suuqa weyn ee Bakaaraha
SilGor 3/26/2009 11:28:54 AM
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dowladda midnimada qaran ee Soomaaliya Sheekh Cabdulqaadir Cali Cumar ayaa dhaawac fudud ka soo gaaray qarax miino oo lagula eegtay agagaarka Suuqa Bakaaraha, xilli uu lugeynayay.
SilGor 3/25/2009 2:52:30 PM
Kulan ballaaran oo ay isugu yimaadeen Guddiga Amniga Qaranka ee Dowladda Midnimada Qaran iyo qaar ka mid ah Golayaasha Xukuumadda ayaa maanta ka dhacay Xarunta Madaxtooyada (Villa Somalia) ee magaalada Muqdisho
Shabelle Media 3/25/2009 1:04:17 PM
Afhayeenka golaha shuurada Xisbul islaam Ismaaciil Xaaji Caddoow ayaa maanta war baahinta u sheegay in kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ay ka qaadeen xubinimadii ay golahaasi ka ahaayeen Shiikh Max’ed Xasan Axmed (Cameey) iyo Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde)
SilGor 3/24/2009 3:50:25 AM
Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya Mr. Maxamed Cabdullaahi Oomaar ayaa ka hadlay hadal shaki geliyey qaynaha bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Muqdisho iyo Golayaasha dowladda







'
World News