Madaxweyne Sheekh Shariif oo dalka dib ugu soo laabtay


shariif2[1].jpgMadaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa goor dhow dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho, maalin kaddib markii wasiirka Arrimaha Gudaha Sheekh Cabdulqaadir Cali Cumar uu ka badbaaday isku day la rabay in lagu khaarijiyo.

Madaxweynaha oo hogaaminayay wafdi ballaaran oo ka tirsan xukuumadda iyo barlamaanka ayaa waxaa uu ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana halkaasi ku soo dhoweeyay mas,uuliyiin ka tirsan labada gole ee Dowlada halka ay ammaanka garoonku sugayeen ciidamada AMISOM.

Sida ay sheegayaan wararka soo laabashada Madaxweyne Shariif ee Magaalada Muqdisho ayaa ku soo aaday xilli aad xasaasi u ah, intii uu dalka ka maqnaa ay dhaceen is badalo siyaasadeed xoog leh oo ay ku jirto falkii lagu dili lahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha.

Madaxweyne Shariif ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha lagaga soo kaxeeyay Gaari qafilan oo aan rasaasta karin, kaasoo ay leeyihiin Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, waxaana loo dhaadhiciyay Aqalka Madaxtooyada  (Villa Somalia) oo uu degan yahay madaxweynuhu.

Ma jiraan wax faahfaahin ah oo uu ka bixiyey safarkiisa, waxaase la filayaa in uu la hadlo saxaafada saacadaha soo socda.

Madaxweeyne Shariif ayaa booqasho qaadatay wax ka badan 2-todobaad waxaa uu ku maray Dalalka Kenya, Brundi, Uganda, Rwanda, Sudan iyo Libiya, iyadoona booqashadan ay aheyd tii u horeysay ee uu Madaxweynaha ku tago dalal dhowr ah.

Add New Comment