Madaxweyne Sheekh Shariif iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo oo u duulay waddanka Qatar

isbaheysiga-garabka-djobouti[1].jpgMadaxweynaha Dowlada Midnimada Qaran ee Soomaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa goor dhow ka duulay gegida diyaaradaha ee Aaadan Cadde International Airport iyagoo ku sii jeeda dalka Qatar,  halkaasoo uu ka furmay kulanka madaxeedka waddamada Carabta.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa sii sagootiyey madax fara badan oo ka tirsan labada gole ee Dowladda Midnimada Qaran, ayadoo ammaanka waddooyinka magaalada Muqdisho iyo garoonkaba aad loo adkeeyey.

Kulanka uu ka qeyb galayo Madaxweynaha Soomaliya ee Ururka Jaamacadd Carabta ayaa waxaa lagu soo qaadaya arrimo ay ka mid yihiin madaxweynaha Sudan oo Maxkamadda Adduunka ay u jartay warqad lagu soo xirayo, arrimaha Bariga Dhexe iyo  Soomaaliya.

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku soo aadaya waqti uu laba maalmood oo qura ka hor kasoo laabtay safar laba toddobaad qaatay oo uu ku soo maray waddamo dhowr ah oo ku yaal bariga iyo bartamaha Afrika, Suudaan iyo Libya.

Add New Comment