Dowladda Qatar oo dalkeeda ku casuumtay Sheekh Xasan Daahir Aweys xilli uu Madaxweyne Shariifna halkaa ku sugan yahay


Amiirka Dowladda Qatar ayaa dalkiisa casuumaad rasmi ah ugu fidiyay hoggaamiye Sheekh Xasan Dahir Aweys oo wax ka hoggaamiya Ururada Islaamiga ah ee kasoo horjeeda dowladda Madaxweyne Sheekh Shariif kuwooda ugu awoodda badan, fadhigiisuna  yahay magaalada Asmara ee dalka Eritrea.

Casuumaada Sheekh Xasan Dahir ayaa timid  kaddib markii Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif uu gaaray Magaalada Doxa, halkaasoo uu ka socdo shir madaxeedkii 21-aad ee waddamada ku jira Ururka Jaamacadda Carabta.

Wararka  qaar ayaa sheegaya in Dowladda Qatar ay dooneyso inay dhex dhexaadiso Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Hogaamiyaha Islaamiga Sheekh Xasan Dahir oo lagu sheego inuu asal u ahaa aas aasida Islaamiyiinta Soomaaliya.

Amiirka Dowladda Qadar ayaa sheegay inay wadaan gogol nabadeed oo ay u dhigayaan Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif iyo dhinacyada ka soo horjeeda, iyadoo dhowaan Dowladda Qadar wafdi u soo dirtay Soomaaliya, kaasoo qeyb ka ahaa Gudiga Culimada Islaamka.

Dawladaha Qadar, Liibiya iyo Sudan ayaa waxay u ballan qaadeen Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed inay dhex dhexaadin doonaan Dowladiisa iyo kooxaha ka soo horjeeda, waxaana laga war sugayaa hadba sida uu Sheekh Xasan Daahir Aweys uga jawaabo casuumaddaasi uu u fidiyay Amiirka dalka Qadar.

Add New Comment