Raiisul wasaare Sharma'arke oo fuleynimo ku tilmaamay weerarkii lala beegsaday Wasiirka Gudaha


Ra'iisul Wasaaraha Dowladda Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa  cambaareeyay isku daygii la doonayay in lagu qaarijiyo Wasiirkiisa Arrimaha Gudaha Sheekh Cabdulqaadir Cali Cumar, kaddib markii maanta lala beegsaday qarax miino oo ka dhacay agagaarka Suuqa weyn ee Bakaaraha.

Ra'iisul Wasaaraha oo Wariyeyaasha kula hadlayay Xafiiskiisa kadib kulan uu la qaatay Saraakiil ka socotay Qaramada Midoobay ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay weerarkaas, isagoona ku tilmaamay inuu ahaa weerar fulaynimo ah.

"Aad baan uga xumahay qaraxaas, Ilaah ayaa mahad leh wasiirku waa uu ka bad baaday weerarkaas, waana weerar fulaynimo ah"ayuu yiri Ra'iisul wasaare Cumar Cabdirashiid oo ka hadlay saacado kadib markii Wasiirka Arrimaha Gudaha si dirqi uga bad baaday isku day la doonayay in lagu qaarijiyo.

Ra'iisaul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharma'arke ayaa ku celceliyey inaaney jirin sabab qaraxyo loola beegsado xubnaha xukuumaddiisa maadaama buu yiri aan diyaar u nahay inaan wadahadal la furano kooxaha naga soo horjeeda.

Hadalkan Ra'iisul wasaaraha ayaa yimid kaddib markii qarax miinada dhulka lagu qariyo ah lala beegsaday uuna ka badbaaday wasiirka arrimaha gudaha dowladda midnimada qaran Sheekh Cabdulqaadir Cali Cumar asagoo markaa lug ku marayey meel u dhow suuqa weyn ee Bakaaraha.


Add New Comment