Sheekh Cabdiraxiim iyo Sheekh Yuusuf Indhacadde oo booqday Sheekh Cabdulqaadir C. Cumar

Xubno ay ka mid yihiin Sheekh Cabdiraxiim Ciise Caddoow, Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha-cadde), saraakiil ka tirsan Maxkamadaha iyo xildhibaano ayaa goor dhow booqday Wasiirka Arrimaha Gudaha Sheekh Cabdulqaadir Cali Cumar oo dhaawac fudud ka soo gaaray qarax miino oo saaka lala eegtay.

Wararka ayaa sheegaya in Sheekh Yuusuf Indha Cadde oo beryahan dambe lagu xamanayey inay suurtagal tahay inuu ku biiro dowladda midnimada qaran ee uu Sheekh Cabdulqaadir ka yahay wasiirka uu booqday asagoo muujiyey niyad wanaag ay dadka qaarkiis ku sifeeyeen inay ahayd tallaabo dhinaca wanaagsan loo qaaday.

Sheekh Cabdulqaadir Cali Cumar ayaa tagay xarunta Guulwadayaasha kadib markii qaraxa lala eegtay waxaana halkaas ku qul qulaya saraakiil ka tirsan Xoogaga Muqaawamada oo soo eegaya xaalada wasiirka oo markii u horeysay qarax lala eegtay.

Afhayeenka Maxkamadaha ee dhanka Howl gallada Sheekh abdiraxiin Ciise Caddow ayaa sidoo kale booqday wasiirka, iyadoona inta badan Saraakiishii booqaneysay ay u muujinayeen sida ay ugu xun yihiin weerarka lagu qaarijin lahaa Wasiirka.

Wasiirka oo la sheegay inuu caafimaad qabo ayaa lagu wadaa inuu goor dhow qabto shir jaraa'id oo uu ku faah faahinayo qaraxii lala eegtay xilli uu marayay agagaarka Suuqa Bakaaraha oo ah Saldhiggii muqaawamada.

Add New Comment