SilGor 3/24/2009 3:24:45 AM
Dowladda Ruushka ayaa waxaa ay go’aamisay in maraakiib dagaal oo ka mid noqda dadaalka caalamiga ah ee lagula dagaalamayo burcad-badeedda soomaalida u soo diri doonto gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan xeebaha waddanka Soomaaliya ee Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed.
SilGor 3/24/2009 3:10:41 AM
Afhayeenka Xisbul Islaam Sheekh Muuse Cabdi Caraale ayaa Wasaxaafadeed kooban oo ka soo baxay Golaha Dhexe ee Xisbul-Islaam u aqriyey warbaahinta Muqdisho maanta, warsaxaafadeedkaas oo uu xisbigu kaga jawaabayey hadal shalay u soo saaray Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde)
SilGor 3/23/2009 4:00:33 PM
Madaxweynaha Dowlada KMG ee Soomaaliya iyo wafdigii uu hoggaaminayey ayaa soo gebagebeeyay booqashadii rasmiga ahayd ee ay beryahaan ku marayeen magalamadaxda waddanka Suudaan ee Khartuum.
SilGor 3/23/2009 3:18:23 PM
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cumar Cabdirashiid Cali Sharma'arke ayaa sheegay inuu ka xun yahay hadalkii ka soo yeeray Wasiirka Arrimaha Dibedda Maxamed Abdullaahi Oomaar, kaas oo uu Golaha Ammaanka ka horjeediyay dalab ku saabsan in Ciidamo shisheeye oo dheeraad ah loo soo diro Soomaaliya.
SilGor 3/23/2009 2:43:49 PM
Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xubno ka tirsan Isbaheysiga Xisbul Islaam ee uu madaxa u ahaa Dr.Cumar Iimaan ay isaga baxeen Xisbul Islaam ayna xilka ka qaadeen Gudoomiyihii Xisbul Islaam Dr.Cumar Iimaan Abuubakar.
SilGor 3/23/2009 2:25:12 PM
Ciidamada Midowga Maxkamadaha Islaamka ee taageersan Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Ahmed ayaa la wareegay ammaanka degmada Shibis oo ka tirsan degmooyinka Muqdisho halkaas oo ay ka jirtay ammaan xumo iyo dhac ay geysan jireen ciidanka dowladda KMG.
SilGor 3/21/2009 11:22:35 AM
Mudane ka tirsan Baarlamaanka Midnimada Qaran ayaa maanta kasoo horjeestay dalabkii uu bixiyay wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Abdullahi Oomaar kaas oo uu Golaha Ammaanka kaga dalbaday Ciidamo
SilGor 3/19/2009 4:16:09 PM
Golaha wasiirada dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya ayaa shir ay maanta yeesheen ku go'aamiyey in xilkii uu u haayey dowladda laga xayuubiyo taliyihii Nabadsugidda Qaranka General Maxamed Warsame Darwiish.
Jowhar 3/18/2009 3:32:40 PM
Warar horu dhac ah ayaa ka soo baxaya Doorashada Hogaanka Gudiga Olimbikada Soomaaliyed ee GOS, iyadoona doorashada oo si heer sare ah uga socotay Magaalada Jabuuti uu ugu dambeyn ku guuleystay Aadan Xaaji Yabarow Wiish
SilGor 3/18/2009 3:21:24 PM
Kulan caalami ah oo lagaga hadlayo qaabka ugu habboon ee loola dagaalami karo burcad-badeedda Soomaalida ah ee qatarta ku haya isu socodka ganacsiga iyo gaadiidka badda ee caalamka ayaa ka furmay magaalada Qaahira ee dalka Masar.
SilGor 3/17/2009 12:33:04 PM
Waxaa maanta gegida diyaaradaha ee degmada Waajid ee gobolka Bakool ayagoo bad qaba kuna sii jeeda magaalada Nairoobi ka duulay shaqaalahii Qaramada Midoobay ee ajaanibta ahaa, shalayna lagu afduubtay degmadaasi.
SilGor 3/17/2009 12:24:49 PM
Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka Xukuumada KMG ee Soomaaliya Sheekh Cabdiraxmaan Janaqow oo maanta booqasho ku tagay xabsiga dhexe ee Muqdisho ayaa sheegay in si deg-deg ah maxkamad loo soo hortaagi doono dhammaan maxaabiista ku jirta Xabsiga dhexe, kuwaasoo aan muddo labo sano helin wax maxkamad.
SilGor 3/16/2009 9:21:29 PM
Waxa shalay aroornimadii hore ku geeriyootay magaalada Nairobi ee waddanka Kenya Allaah ha u naxariistee Gaabeey Daa'uud Cumar Cali oo 99 sano jir ahayd, waxaana la ogeysiinayaa dhammaan eheladeedi oo kala jooga gudaha iyo dibedda dalka







'
World News