Dr. Xasan M. Xasan (Xasan Brescia) qurba-joog Soomaaliyeed oo ku dayasho mudan

Hassan Brescia.jpg

Kaddib markii ay dagaalladii sokeeye dalka Soomaaliya ka billowdeen sanadihii 90-meeyadii ayaa waxay dad badani dantu ku kalliftay inay isaga haajiraan dalkoodii hooyo, ayagoo hijradoodaasi dheer ka billaabay waddamada deriska la ah Soomaaliya, ayadoo intaas kaddibna ay qaarkood nasiib u yeesheen inay u sii gudbaan waddamada Carabta, Europe, Canada, USA, Australia iyo New Zealand.

Haddaba waxaa noloshii ugu adkeyd dhexda kaga dhacay Soomaalidii u yaacday waddamada reer galbeedka kuwaasoo la kulmay dhaqanno, afaf iyo bulshooyin aanay garaneyn, dhibaato weyna kala kulmay sidii ay ula qabsan lahaayeen noloshaas cusub, waxaase nasiib wanaag noqday inay waddamadaas hore usii joogeen dad  soomaaliyeed oo fara ku tiris ah oo ayagu horey waxbarasho ama shaqo u tagay halkaasi, kuwaasoo qudhooda u qaybsamay kuwo qaatay dhaqamadii halkaas ka jiray iyo kuwo aan marnaba ka tagin dhaqankoodii Soomaalinnimo, dareenna u yeeshay dhibaatada kusoo habsatay dalkooda iyo dadkoodaba, isuna taagay sidii ay u gacan qaban lahaayeen, indhahana ugu furi lahaayeen walaalahoodaas soo-galootiga (refugees) ah.

Dr. Xasan Maxamed Xasan (Xasan Brescia) wuxuu ka mid yahay soomaalidii loogu yimid waddanka Talyaaniga intooda sameysay taariikhda wanaagsan, kaddib markii uu isu taagay siduu wax ula qaban lahaa Soomaalidaas cusub ee soo gashay Talyaaniga.

Dr. Xasan Brescia wuxuu Soomaaliya kasoo tagay sanadkii 1968-dii, kaddib markuu magaalada Marka ee gobolka Shabeellada Hoose ku soo dhammeystay dugsiga sare ee xannaanada xoolaha (Scuola Veterinario),
markaasoo uu soo aaday waddanka Talyaaniga si u sii dhammeysto waxbarashadiisii, da'diisa oo aad u yareyd awgeed ayaa waxa Xasan macalimiintiisii kula taliyeen inuu sii wato waxbarashadii dugsiga sare (Scuola Secondario di Agrcultura) , kaasoo uu 2 sano kaddib soo dhammeystay.

Intaas kaddib ayaa Dr. Xasan Maxamed wuxuu billaabay inuu u gudbo waxbartashadii sare halkaasoo uu ka galay Jaamacadda Beeraha (Universta Agraria - Piacenza) oo uu ka qaatay doctorat, kaddibna ku taqasusay cilmiga caanaha.

Dr. Xasan waxbarashadii kaddib wuxuu ka soo shaqeeyay hay'ado fara badan oo Talyaani ah oo lug lahaa warshad.jpgcaanaha iyo formaggio-da oo uu xilal kala duwan ka soo qabtay, waxaase isku soo beegmay qaxii Soomaalida iyo Dr. Xasan Maxamed Xasan (Brescia) oo maareeye guud ka ah warshadda weyn ee formaggio-da iyo caanaha ee magaalada Brescia (Caseificio STABIUMI iyo Caseificio VILLA), halkaasoo uu isu taagay sidii uu wax ula qaban lahaa soomaalidaa soo gaartay magaalada Brescia oo uu u furay tababarro dhinaca farsamada ah, shaqo siin iyo asgoo dadaal weyn u galay sidii ay hooy u heli lahaayeen, kuwii dhallinta yaraana kula taliyey inay sii wataan waxbarashadoodii, wuuna ku guuleystay waajibkaas waddaninimo ee uu iskiis isu saaray, asaga oo aan dadka u kala socin hayb iyo weji garad, asagoo markii soomaalidu isu soo sheegtay wanaagga halkaas ka socda soona badatay haddana xil iska saaray sidii loo heli lahaa qubuur muslim oo Soomaalida u gaar ah, kuna guuleystay.

Dr. Xasan wuxuu deggan yahay magaalada Brescia ee dalka Talyaaniga, kana shaqeeyaa, waxa kale oo uu ka shaqeeyaa waddammada Germany iyo Czech Republic oo uu la taliye ka yahay warshado sameeya formaggio-da oo halkaasi ku yaala.
Dr. Xasan Maxamed Xasan (Xasan Brescia) waa xaas, wuxuuna dhalay labo gabdhood oo middood ay ka qalin jebisay Jaamacadda Brescia (Facolta' di Farmacia) midda kalena ay  dhigato sanadkii ugu dambeeyey dugsiga sare, xaaska Dr. Xasan oo u dhalatay dalka talyaaniga ayaa ayaduna ah dhaqtarad cudurrada maskaxda, waxaana magaceeda la yiraahdaa Drs. Fracesca, waxayna ku caam baxday sida ay u jeceshahay in saygeedu u gacan qabto walaalihiis Soomaaliyeed, waxaana qoyska Dr. Xasan la oran karaa waa qoys Soomaaliyeed oo ku dayasho mudan.

Add New Comment