Guddiga Amniga Qaranka oo maanta ku kulmay Xarunta Madaxtooyada (Villa Somalia)


Kulan ballaaran oo ay isugu yimaadeen Guddiga Amniga Qaranka ee Dowladda Midnimada Qaran iyo qaar ka mid ah Golayaasha Xukuumadda ayaa maanta ka dhacay Xarunta Madaxtooyada (Villa Somalia) ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Ciidamada Booliska Col. Cabdullaahi Xasan Bariise oo kulankaas kaddib la hadlayey saxaafadda ayaa sheegay in kulanka lagaga wada hadlay sidii wax looga qaban lahaa ammaanka magaalo-madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.

Waxa kale oo uu  afhayeenku intaa ku daray in intii uu socday kulanka halkaas laysku weydaarsaday warbixinno amniga.jpgla xiriira qaabka ugu habboon ee wax lagaga qaban karo ammaanka caasimadda, waxaana sidoo kale laga wada hadlay sidii ciidamada dowladda ay si wadajir ah isula shaqeyn lahaayeen si wadajir ah.

Waxa muuqanaya isbeddel weyn oo dhinaca ammaanka ah oo laga dareemay degmooyinka gobolka Banaadir qaarkood kaddib markii ay soo gaareen ciidamo ay leeyihiin Midowga Maxkamadaha Islaamka, gaar ahaan ciidamada taageera Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Sheekh Cabdulqaadir Cali Cumar.




Add New Comment