SilGor 4/15/2009 10:59:52 AM
Sida uu sarkaal sare oo ka tirsan millatariga Mareykanka u sheegay wakaaladaha wararka ayaa waxa xalay fiidkii ay mar kale burcad badeedda soomaalidu weerar ku qaadeen markab ganacsi oo laga leeyahay waddanka Mareykanka
SilGor 4/15/2009 10:22:08 AM
Jaamacadda Carabta ayaa sida la sheegay ka codsan doonta Ururka Qaramada Midoobay in cunaqabataynta dhinaca hubka ee saaran dalka Soomaaliya oo xubin ka ah ururka laga qaado si loola dagaalamo Burcad badeeda Soomaalida, dowladda Soomaaliyana loogu fududeeyo inay awood u yeelato
SilGor 4/14/2009 2:31:02 PM
Burcad badeedda Soomaalida ayaa 24-kii saac ee ugu dambeeyey ku qafaashay xeebaha dalka Soomaaliya, maraakiibtaas oo midkii ugu dambeeyey uu ahaa markab lagu magacaabo Irene oo laga leeyahay waddanka Griigga
HOL 4/14/2009 9:16:22 AM
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Midnimada Qaran ee Soomaaliya Prof. Maxamed Cabdi Gaandi oo shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho waxaa uu ku sheegay in dowladda Soomaaliya ay gacanta ku heyso qorshayaal lagu tayeynayo oo dib loogu habeynayo Ciidamada Soomaaliya
SilGor 4/14/2009 2:33:42 AM
Odayaasha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Hawiye ayaa ugu baaqay Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya in ay ka laabato hadalkii wasiirka Amniga Qaranka ee ahaa u diyaar garoow dagaal oo ka dhaca Muqdisho
Shabelle Media 4/13/2009 10:39:10 AM
Suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa waxaa galabta si toos ah loogu garaacay Madaafiic ay soo ridayeen ciidamada AMISOM kadib markii weerar Madaafiic ah lagu qaaday garoonka diyaaradaha xili uu ka duulayay sarkaal sare oo Maraykan ah.
SilGor 4/13/2009 3:50:58 AM
Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa ka hadlay kooxaha burcad badeedka Soomaalida ee xeebaha Soomaaliya ka geysta qafaalashada maraakiibta ganacsi ee isaga kala goosha qaaradaha adduunka, asagoona intaa raaciyey inay sii socon doonaan howlgallada
SilGor 4/12/2009 9:09:06 PM
Madax ka tirsan Dowladda Midnimada Qaran ee Somaaliya oo uu horkacayo Wasiirka Gaashandhigga Prof. Maxamed Cabdi (Gaandi), Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta Maxamed Cabdi Yuusuf , Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Cali Axmed jaamac Jangali iyo Wasiirka Amniga Qaranka Cumar Xaashi Aadan ayaa maanta ka qaybgalay Munasabadii lagu xusayey 12-ka april
SilGor 4/12/2009 5:22:37 PM
Ciidamada Badda Mareykanka ayaa xoog kusoo furtay captain-kii u dhashay Mareykanka ee ay afduubka ku heysteen kooxaha burcad-badeedka, waxaana howl gal ay u adeegsadeen soo furashadiisa ay ku dileen saddex ka mid ah Burcad badeedka
SilGor 4/12/2009 5:04:03 PM
Dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho ayaa saaka dib u bilowday hawlaheedii kaddib markii ay shalay hakad geliyeen ciidamada AMISOM, oo uu ugu soo xirtay markab u siday saanad milateri, waxaana xaalada dekedda
SilGor 4/11/2009 4:11:16 AM
Waxa saaka guud ahaan hakad ku jira howlihii dekedda weyn ee magaalada Muqdisho ayadoo sababtuna tahay inuu halkaa ku xiran yahay markab saanad milatary u sida ciidamada nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.
SilGor 4/9/2009 10:36:19 AM
Xukuumadda Midnimada Qaran ayaa sheegtay in sida ugu dhakhsiyaha badan ay Baarlamaanka u horgeyn doonaan mooshinka ku dhaqanka shareecada Islaamka ee ay horay u ansixiyeen, waxayna arrintani ka dambeysay kadib markii lagu eedeeyay Xukuumada inay
AP 4/8/2009 2:39:12 PM
Shaqaalihii Mareykanka ahaa ee la socday markabkii laga lahaa waddanka Denmark ee maanta gelinkii hore ay koox burcad badeed Soomaaliyeed ku qafaasheen xeebaha koonfureed ee waddanka Soomaaliya ayaa dib u helay xorriyaddooda, lamana soo sheegin sida ay ugu suurtagashay inay ka xoroobaab burcad badeedda Soomaalida ah







'
World News