Golaha shuurada Xisbul islaam oo sheegay in golohooda ay ka saareen xubno uu ka mid yahay sheikh Yuusuf Indha Cadde


Afhayeenka golaha shuurada Xisbul islaam Ismaaciil Xaaji Caddoow ayaa maanta war baahinta u sheegay in kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ay ka qaadeen xubinimadii ay golahaasi ka ahaayeen Shiikh Max’ed Xasan Axmed (Cameey) iyo  Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) kaddib kulan dheer oo ay qaateen xubnaha golaha ay go’aan ku gaareen in laga saaro golaha xubnahaasi.

 

Waxaa uu sidoo kale Sheegay Afhayeenka golaha shuurada Xisbul islaam Ismaaciil Xaaji Caddoow in sababta ay uga saareen golaha  masuuliyiintaasi ay tahay in ay galeen arin ka hor imaaneeysa shuruucda,nidaamka iyo xeer hoosaadyada u degsan ururka Xisbul islaam iyo sidoo kale in ay ku dhawaaqeen awood aysan xaq u leheyn oo ka baxsan Awoodooda.

 

Afhayeenka golaha shuurada Xisbul islaam ayaa sidoo kale tilmaamay in masuuliyiintaasi aysan markii horeba ka mid aheeyn golaha fulinta iyo Golaha shuurada.

 

Dhawaan ayeey aheyd markii xubno ka tirsan ururka Xisbul islaam ay daboolka ka qaadeen in ay xil ka qaadis ku sameeyeen gudoomiyihii ururkaasi Dr Cumar Iimaan Abuu Bakar kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho kuwaasi oo gudoomiye ka dhigtay Shiikh Max’ed Xasan Axmed (Cameey) oo maanta la tilmaamay in isna ururka laga saaray.


Add New Comment