Wasiirka arrimaha dibadda oo ka hadlay dalabkiisii ciidamo QM oo la keeno Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya Mr. Maxamed Cabdullaahi Oomaar ayaa ka hadlay hadal shaki geliyey qaynaha bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Muqdisho iyo Golayaasha dowladda oo ku saabsanaa dalab uu wasiirku ku dalbaday in ciidamo nabd-ilaalineed oo dheeraad ah ay Qaramada Midoobay u soo diraan Soomaaliya.

Mr. Oomaar oo u warramayey warbaahinta ayaa sheegay inuu si aad ah uga xun yahay in dalabkiisaasi uu kiciyo dareenka bulshada iyo weliba xubno sar sare oo ka tirsan golayaasha dowladda midnimada qaran ee uu ka tirsan yahay.

"Waan ka xumahay in hadal aan sheegay uu laab kiciyo bulshadeyda, waxaana muhiim ah inaan isla fahamno ujeedka hadalkeyga" sidaa waxaa yiri wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya oo sheegay in ummadda Soomaaliyeed ay ka mideysan yihiin rabitaanka ah in ay dalka u helaan ciidamo tababara ciidamada Soomaaliya si ay u sugaan ammaanka iyo kala dambeynta.



Add New Comment