SilGor 4/8/2009 9:33:07 AM
Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan Maxkamadaha Islaamka ayaa maanta duhurnimadii la wareegay gacan ku heynta Isgoyska Sanca ee Degmada Kaaraan, iyadoona Ciidamada ay sidoo kale fariisimo ka sameysteen qeybo ka mid ah Degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan
SilGor 4/8/2009 9:03:30 AM
Warka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in koox burcad badeed Soomaali ah ay gacanta ku dhigeen markab xamuul oo laga leeyahay dalka Denmarka sidayna xamuul gaaraya ilaa 17.000 tan.
SilGor 4/7/2009 12:52:43 PM
Gobollada Jubooyinka, Gedo iyo labada Shabeelle oo ay abbaro daran ku dhufteen ayaa waxa shalay iyo xalay si fiican uga da'ayey roobabkii Guga oo halkaasi ka curtay si wanaagsanna loogu diirsaday oo dad iyo duunyaba ay ku raaxeysteen, Allaah ayaana ku mahadsan
SilGor 4/7/2009 8:06:10 AM
Gudoomiye Ku-xigeenka labaad ee Baarlmanka Dowladda Soomaaliya mudane Cusmaan Cilmi Boqorre ayaa ku eedeeyay xafiiska Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya in uu ka meer meerayo soo gudbinta ajandaha ku dhaqanka Shareecada Islaamka
Jowhar 4/6/2009 2:25:27 PM
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa markii u horeysay ugu baaqay shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho inay ka hortagaan dhibaatooyinka lagu haayo, isagoona walaac ka muujiyay dhibaatooyinka dadka rayidka ka soo gaaray dagaaladii u dambeeyay
Jowhar 4/5/2009 6:59:37 AM
Warar goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in kulan muhiim ah ugu furmay Hotelka Royal Guardan (Ex Hotel Guuleed) ee Magaalada Muqdisho xubno ka tirsan Dowladda, Hey'adda Culimada Soomaaliya iyo qeyb ka mid ah mucaaradka Dowladda ka soo horjeeda
SilGor 4/5/2009 6:49:30 AM
Dowladda Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay waraarka sheegaya inay soo saartay amaro hay'adaha samafalka lagaga dalbanayo inay isa soo diiwaan geliyaan, wararkaasoo ay wax ka qoreen wakaaladaha wararka qaarkood, kuna sheegeen in ra'iisul wasaaraha Soomaaliya uu bixiyey amarka.
SilGor 4/4/2009 1:01:17 PM
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Besancon ee waddanka Faransiiska ayaa waxa ay fiidnimadii xalay oo ay taariikhdu ahayd 03/04/2009 guriga uu magaalada Besancon ka deggan yahay ku
SilGor 4/2/2009 9:46:52 AM
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Muqdisho, kadib markii uu magaalo-madaxda waddanka Qatar ee Dooxa kaga soo qayb galay shir-madaxeedkii 21-aad ee
SilGor 4/1/2009 3:39:57 PM
Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka qaybgalayey kulan madaxeedkii 21-aad ee madaxda Jaamacadda Carabta ee lagu qabtay magaalo-madaxda waddanka Qatar ee Dooxa ayaa ku guuleystay inuu soo jiito dareenka madaxdii Carbeed ee kulankaasi soo xaadirtay
SilGor 3/31/2009 10:37:24 AM
Markab ay leeyihiin Ciidamada Badda Jermanka oo ka mid ah ciidamada caalamiga ah ee ku sugan xeebaha Soomaaliya iyo Khaliijka Cadmeed u jooga la dagaalanka burcad-badeedda Soomaalida ayaa gacanta ku
SilGor 3/30/2009 10:37:36 AM
Midowga Afrika ayaa lacag gaareysa 1 milion oo US dollar ugu deeqay Dowladda Soomaaliya, lacagtaasoo uu maanta ergayga Midowga Afrika uu qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr. Nicloas Buwakira uu guddoonsiiyey Ra'iisul wasaaraha
Shabelle Media 3/30/2009 9:07:36 AM
Roobab lagu diirsaday ayaa waxaa ay ka da’een deegano hoos taga gobolka J/hoose oo abaaro ay ka jireen.Sida ay sheegayaan wararka ay shabelle ka heleyso degmada Badhaadhe







'
World News