2 markab oo lagu qafaashay xeebaha Soomaaliya


Koox Burcad-badeed Soomaali ah ayaa xeebaha koonfureed ee waddanka Soomaaliya ka qafaashay markab laga leeyahay wadanka Norway, markabkaas oo ka yimid Khaliijka kuna sii jeeday dekedda magaalada Mombasa ee waddanka Kenya.

 

Milkiilaha markabka ayaa sheegay in Burcad-badeedda Soomaalida ah oo si aad ah ugu hubeysnaa qoryaha darandooriga u dhaca ay gacanta ku dhigeen markabka oo ah nooca qaada kiimikaalka asagoo marayey biyaha caalamiga ah ee Badweynta Hindiya.

 

Ciidamada badda ee mareykanka ee ilaalada ka haya biyaha gacanka cadmeed iyo xeebaha Somaaliya ayaa iyagana xaqiijiyey qabsashada markabkan iyo mid kale oo asagana laga leeyahay waddanka Giriigga oo maalinimadii Arbacada isku meel ay kooxaha burcad badeedda Soomaalida ka Afduubteen.

 

Markabkan laga leeyahay dalka Norway ayaa waxaa lagu magacaabaa Bow Asir waxaana la sheegay in uu sidey kumanaan ton oo xamuul ah iyada oo afhayeen u hadley ciidamada badda Mareykanka uu sheegay in ay kooxda burcadda ay ka qabsadeen meel xeebta Soomaalida u jirta masaafo dhan ilaa 400 Km maalinimadii shalay halka markab kale oo laga leeyahay dalka Gariiga oo isagana sidey ilaa 9,000 xamuul ah laguna magacaabo Nipayia ay kooxaha burcad badeedda Soomaalida ka afduubteen meel 720 Km u jirta xeebta Soomaaliya markabkaasoo la sheegay in ay saarnaayeen ilaa 19-shaqaale ah.

 

Milkiilaha ayaan sheegin wax dhibaato ah oo soo gaarey markabkaasi iyo weliba wax madax furasho ah oo ka yeeray burcad badeedda Soomaalida ah isagoo intaa ku daray in ay rajeynayaan si nabad gelyo ah loogu soo siidaayo markabkaasi iyo weliba shaqaalaha saaran.


markab.jpg

Add New Comment