Axad,
March 29, 2009(HOL): Xaawo Shiikh Axmed (Xaawo Taako) oo ka mid ahayd
Xiddigaha Kooxdii Kubadda Kolayga LLPP iyo Xulka Qaranka Soomaaliya
ayaa waxay 19 sano kadib ku laabatay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho,
waxayna halkaas kula kulantay waxyaabo cajiib ah oo aysan maleysan
karin.
Xaawo Taako oo nagu soo booqatay Xafiiska HOL ee Magaalada Muqdisho
ayaa waxay ka warbixisay waxyaabaha ay u timid Muqdisho iyo waxa ay
sameysay kadib markii ay dalka dibaddiisa u baxday.
|
Xaawo Shiikh Axmed (Xaawo Taako) |
Xaawo
Shiikh Axmed (Xaawo Taako) waxay sheegtay in ay Muqdisho u timid labo
arrimood oo kala ah in ay ka qeybgasho aaska meydka Xaaskii
Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed Aadan Xaaji Yabarow Wiish
marxuumad Khadiijo Maxamed Nuur iyo in ay qalab Isboortoi oo ay soo
dhiibeen Soomaalida Qurbo joogta ah ay u qeybiso Gabdho Kubadda Kolayga
ciyaari jiray, kuwaasi oo hadda gacanta ku haya Kooxo gabdho ah oo loo
tababarayo Ciyaaraha Kubadda Kolayga iyo in ay sidoo kale qalabIsboorti
oo uu soo dhiibay Guddoomiye ku xigeenka Ururka SIFO C/raxmaan Maxamuud
Guhaad (Shiine) ay ku wareejiso Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda
Kolayga.
“Wallaahi markii aan ka soo degay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde
ee Magaalada Muqdisho indhaheyga illin ayaa ku soo joogsatay, wax
kalena ma ahayn waa jaceylka aan u qabo dalkeyga iyo sida uu u
burburay”ayay tiri Xaawo Taako oo intaas ku sii dartay in ay Muqdisho
kula kulantay labo muuqaal oo kala ah mid burbur tilmaamaya iyomid kale
oo muujinaya in weli ay jiraan dad nabadeed oo Isboortigii ciyaaraya,
iskuna dhex jira.
Dibadda markii ay u baxday Xaawo Taako waxay sheegtay in ay iyada
iyo gabdho kale oo Kubadda Kolayga ciyaari jiray oo Yurub iyo Waqooyiga
Ameerika ku sugan ay xiriirro sameeyeen, isla markaana ay abuureen Urur
u damqada ciyaartoyda Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan dalka Soomaaliya
gudahiisa iyo dibaddiisa, sidoo kalena go’aansaday in ay caawiyaan
dhaqdhaqaaqyada Isboorti ee ka jira Soomaaliya.
-By: Salaad Xiis
Haddaba Xaawo Taako Qalabkii Isboorti ee ay ka keentay Qurbaha
galabta ayay ku qeybisay Garoonka Kubadda Kolayga 1da Luulyo (Ex
Luujino), waxayna qalabkaas ku kala wareejisay Ku simaha Guddoomiyaha
Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Kolayga Ibraahim Xuseen Rooble iyo
Gabdho Kubadda Kolayga ciyaari jiray oo diyaarinaya ciyaartoy cusub oo
gabdho ah.
Munaasabadda
qalabkaas lagu wareejinayay waxaa ugu horreyn ka hadlay Ku simaha
Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Kolayga Ibraahim Xuseen
Rooble oo Xaawo Taako baray Gabdho yar yar oo hadda loo diyaarinayo in
ay noqdaan Ciyaartoy Kubadda Kolayga ah, kadibna wuxuu cod baahiyaha ku
soo dhaweeyay Xaawo Taako.
Xaawo Taako ayaa markii cod baahiyaha lagu soo dhaweeyay hadal
dhihi kari weysay, indhaheedana illin ayaa ku soo istaagtay, waxayna
sheegtay in sababta ay u ilmeyneyso ay tahay iyadoo gucaneyso sida uu
dalka Soomaaliya u burburay iyo sidii uu ahaan jiray markii ay ku
ciyaari jirtay, inkastoo aysan meesha ka marneyn in ay hor-joogeen
wejiyo ay taqaanay oo ay muddo hore ugu dambeysay.
Xaawo Shiikh Axmed (Xaawo Taako) oo la hadleysay gabdhihii
cuslaaday ee Kubadda Kolayga ciyaari jiray iyo gabdhaha ciyaartoyda ah
ee ay diyaarinayaan ayaa waxay sheegtay in ay aad ugu faraxsan tahay in
ay la kulanto bahdeedii Isboortiga, waxayna kula dardaarantay gabdhihii
hore ee Isboortiga iyo kuwa hadda la diyaarinayo in ay isku xirmaan oo
ay noqdaan dad aayahooda Isboortiga ka tashada, dalka Soomaaliya u soo
saara ciyaartoy mustaqbal fiican leh.
Intaas
kadib waxay qalabkii guddoonsiisay Dadkii loo soo diray, waxaana ugu
horreyn guddoomay Ku simaha Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee
Kubadda Kolayga Ibraahim Xuseen Rooble oo Xiriirkiisa u qaaday, waxaa
ku xigsaday Batuulo Xaaji Nuur, Faay Aweys, Jiijo Yarey iyo Khadiijo
Aadan Daahir oo u qaaday Xiriirka Ciyaaraha Fudud ee Soomaaliya oo
horay u xareeyay ciyaartoy ciyaaraha fudud ah.
Waxaa xigtay in Ibraahim Xuseen Rooble uu Xaawo Taako guddoonsiiyay
Xajalad DVD ah oo ay ku duuban yihiin tartamadii Isboorti ee uu qabtay
Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Kolayga,
Ugu dambeyntiina, markii ay soo gebagebowday munaasabada ayay Xaawo
Taako codsatay in ay Kubdad Kolay ah ku tuurto Kolayga garoonka Ex
Luujino, waxayna labo jeer o ay Kubadda u tuurtay dhinaca Kolayga ay ku
guuleysatay in ay labadiiba ku rido Kolayga sidaasna ay ku keento min 2
dhibcood, markaas ayay dadkii yaqaanay Xaawo Taako berigii ay ciyaari
jirtay ee garoonka ku sugnaa wada qireen in ay Xaawo Taako weli tahay
Xiddigteedii Kubadda Kolayga.
Ciyaartoyda Kubadda Kolayga loo tababarayo
Batuulo Xaaji Nuur oo qalabkii guddoomeysa
Faay Aweys oo qalabkii guddoomeysa
Jiijo Yarey oo qalabkii guddoomeysa
Khadiijo Aadan Daajir oo qalabkii guddoomeysa
Xaawo Taako (Midig) iyo Gabdho kale oo Isboorti
Safka hore waa ciyaartoydii cuslaatay
Xaawo Taako oo Kubbad dhulka ku garaaceysa
Xaawo oo Kubadda u tuureysa dhinaca Kolayga
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online