Madaxweyne Sheekh Shariif oo shir jaraa'id qabtay

newshrfB.jpgMadaxweynaha Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen socdaalkii uu ku soo kala bixiyey dhowr dal oo Afrikaan ah, hadalkii dhowaanta ka soo yeeray hoggaamiyaha Al-Qaida Osama Bin Laden ee uu ku sheegay inay tahay in laga takhalusu dowladda uu Madaxweynaha ka yahay Sheekhu, sidoo kalena soo hadal qaaday qaraxii dhowaanta lala beegsaday wasiirka arrimaha gudaha Sheekh Cabdulqaadir Cali Cumar iyo arrimo kale oo dhowr ah.

Madaxweyne  Sheekh Shariif Sheekh Axmed mar uu ka warramayey socdaalkii uu ku soo maray dalalka Kenya,Burundi, Uganda, Rwanda, Suudaan iyo Liibiya ayaa wuxuu sheegay in dhammaantood ay guul iyo is afgarad ku soo dhammaadeen.

Madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu sheegay in Dowladaha Uganda iyo Burundi oo ka mid ah dalalka uu booqday, isla markaana ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya uu kala hadlay sidii ay u caawin lahaayeen Dowladda Soomaaliyeed tan iyo inta ay Dowladda Soomaaliyeed isaga filnaaneyso, ciidamadeedana ay ka tababareyso.

Dowladaha Sudan iyo Libya ayuu sheegay in ay diyaar u yihiin in ay gacan ka geystaan sidii xal loogu heli lahaa mushkiladda Soomaaliya, isla markaana dhinacyada ka soo horjeeda Dowladda ay uga dhaadhicin lahaayeen in ay nabad iyo heshiis qaataan.

Waxaa uu ka hadlay intaas kadib magacyo loogu yeero Ciidamada Dowladda, kuwaasi oo ah Maxkamadaha iyo Ciidamada Dowladda, wuxuuna sheegay in ay jiraan Ciidamo mid ah oo leh Ciidamada Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in Ciidamadaas dhawaan la siin doono labis isku mid ah.

Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxaa uu ka hadlay hadalkii uu dhawaan sii daayay Hoggaamiyaha Al-Qaacidda Osama Bin Laden, kaasi oo ahaa in lala dagaallamo oo xukunka laga tuuro Madaxweynaha Soomaaliya, “Waxaan aad uga xumahay in Al-Qaacidda intey weysay wax ay ka hadasho in ay tiraahdo Shacabka Soomaaliyeed oo Muslim ah, isla markaana heshiiyay, dowladna dhistay ha is-dilaano”ayuu yiri madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo sheegay in aaney Al-Qaacidda wax shaqo ah ku lahayn Soomaaliya.

“Al-Qaaciida nama barin Diin, Dalkanna Dowlad kama ahan ee raali ha naga ahaato” ayuuna hadalkiisa ku sii daray Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo shalay dib ugu soo noqday dalka Soomaaliya, kadib socdaal uu ku soo kala bixiyay dalal dhowr ah oo Qaaradda Afrika ku yaalla.

Madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu shirkiisa jaraa’id ku soo hadal qaaday qarax maalmo ka hor lala beegsaday Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Sheekh Cabdulqaadir Cali Cumar, “Qofkii dhahaya Sheekh Cabdulqaadir Cali Cumar ayaa gaal ah, dilkiisana janno ayaan ku tegayaa, waxaan wada aaminsannahay in qofkaas uu yahay ku qaldan”ayuu yiri Madaxweyne Shariif  oo intaas ku sii daray Dowladda Soomaaliyeed ay wax weyn ka qaban doonto amni darrada ka jirta Soomaaliya.


Dhanka kalena, Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxaa uu maanta Xarunta Villa Somalia kula shiray Golaha Wasiirrada oo uu horkacayay Wasiirka koowaad Cumar Cabdirashiid, wuxuuna shirkaas ku saabsanaa warbixin uu madaxweynaha siinayay Golaha Wasiirrada iyo Golaha Wasiirrada oo isna warbixin siinayay Madaxweynaha.

Add New Comment