Sheekh Cabdulqaadir Cali Cumar oo ka badbaaday qarax maanta lagula beegsaday meel u dhow Bakaaraha


Wasiirka Arrimaha Gudaha  ee dowladda midnimada qaran ee Soomaaliya Sheekh Cabdulqaadir Cali Cumar ayaa dhaawac fudud ka soo gaaray  qarax miino oo lagula eegtay agagaarka Suuqa Bakaaraha, xilli uu lugeynayay.

Warar xogogaal ah ayaa waxay sheegayaan  in wasiirku  uu qaraxaasi ka soo gaaray dhaawac aad u fudud, halka xoghayihii xafiiska wasiirka iyo qof kalena ay ku geeriyoodeen.

Xaaladda Suuqa Bakaaraha ayaa markiiba laga dareemay jawi kacsanaan ah  kaddib markii uu dhacay qaraxa, laakiin lama soo sheegin wax kale oo dhibaato ah oo ilaa iyo iminka dhacay, mana jirto cid sheegaty inay ka dambeysay qaraxaas, halka dhinacyada dowladda iyo maxkamaduhuna uusan weli wax war ah kasoo bixin.


Add New Comment