SilGor 6/19/2009 4:33:42 AM
Magaalada Muqdisho ayey saaka ka muuqaataa degganaansho aan laysku halleyn karin, waxaana weli isku hor fadhiya goobihii ay dagaalladu ka dhacayeen saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ciidamada dowladda KMG iyo kuwa kasoo horjeeda ee Xarakatul Shabaab Al-Mujaahidiin iyo Xisbul Islaam
SilGor 6/18/2009 9:31:46 AM
Ururka Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa waxaa ay sheegteen qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee maanta barqadii lagu dilay wasiirka Amniga qaranka dowladda KMG Soomaaliya Cumar Xaashi iyo C/kariin Laqanyo
SilGor 6/17/2009 2:20:31 PM
Waxaa sii kordhay qasaaraha uu geystay dagaal xoogan oo galabta ka dhacay degmda Kaaraan ee gobolka Banaadir kaasoo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo xoogagga ka soo horjeeda.(Daawo Sawirada).
SilGor 6/17/2009 5:07:18 AM
Ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya oo aad u hubaysan ayaa halay saqdi dhexe dagaal ku soo qaaday xooggaaga ka soo horjeeda ee ku sugan degmada Hodan ee gobalka Banaadir.
SilGor 6/16/2009 5:33:49 PM
Guddoomiyaha baarlamaanka federalka Soomaaliya Sh,Aadan Madobe, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegaya in xildhibaanada baarlamaanka ee ku sugan Magaalada Muqdisho ay yihiin kuwo tiro yar oo aan buuxin karin kooramkii uu ku qabsoomi lahaa kalfadhiga baarlamaanka,
jowhar 6/16/2009 2:53:41 PM
Wakiilka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee Gobolka Banaadir Sheekh Cali Maxamed Xuseen ayaa galabta saxaafada u soo bandhigay gawaari dagaal oo ay saaka ku qabsadeen dagaal ka dhacay Deegaanka Galgalato, kaasoo ay ka sheegteen guulo wax ku ool ah.
SilGor 6/16/2009 10:08:39 AM
Inta u dhaxeysa Galgalato iyo Kaaraan ayaa Barqanimadii maanta waxaa ku dagaalamaya ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo Maleeshiyada Al-shabaab kuwaasi oo is weydaarsanaya hubka nuucyadiisa kala duwan
Jowhar 6/15/2009 4:11:37 PM
War aan kasoo xiganay shabakadda Jowhar ayaa sheegaya in Malaaqyada Beelaha Xamar iyo Xamar Daye oo maanta kulan xasaasi ah la qaatay Hogaamiyaha Ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Dahir Aweys ayaa sheegay inuu ka aqbalay nabad ku soo dabaalida Gobolka Banaadir
SilGor 6/14/2009 2:57:11 PM
Ugu yaraan 4 askari ayaa ku geeriyootay Dagaalo u dhaxeeya Ciidamo ka wada tirsan dowladda KMG oo maanta ka dhacay Duleedka magaalada Muqdisho Agagaarka EX Contarol Afgooye .
SilGor 6/13/2009 1:14:32 PM
wasiirka Arimaha gudaha Sheekh C/qaadir Cali iyo Wasiiradda Caafimaadka Qamar Aadan oo maanta booqday Cusbitaalka Madiina ayaa waxaa ay maamulka cusbitaalkaasi ku wargaliyeen in ilaa 8-ruux oo ka mid ah dhaawacyada ku sugan Cusbitaalka Madiinaay ay u heleen Fiiso iyo daaweyn dibadda ah.
HOL 6/12/2009 8:30:16 PM
Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadday in ay la wareegi doonto gacan ku heynta gobollo dhowr ah oo ku yaalla Koofurta Soomaaliya
SilGor 6/12/2009 1:25:30 PM
Wararka ka imanaya degmada Balanbal ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamo Ethiopian ah oo fara badan kuna hubeysan gaadiidka dagaalka ay maanta gelinkii dambe soo galeen degmadaasi, ayagoona isla markiiba fariisimo ka sameystay
SilGor 6/11/2009 6:29:13 PM
Allaah ha u naxariistee, waxa galabnimadi maanta oo Khamiisa oo ay taariikhduna ahayd 11 ka Juun magaalada Muqdisho ku geeriyooday marxuum Xaaji Cusmaan Cabdulle oo loo yaqaanay (Xaaji Aboolo), Xaajigu wuxuu ahaa 80 sano jir







'
World News