ciidamo ka wada tirsan dowladda KMG oo maanta dagaal qaraaar ku dhex maray Ex contarol Afgooye

Ugu yaraan 4 askari ayaa ku geeriyootay Dagaalo u dhaxeeya Ciidamo ka wada tirsan dowladda KMG  oo maanta ka dhacay Duleedka magaalada Muqdisho Agagaarka EX Contarol Afgooye .

Dagaalkaasi waxa uu dhacay kadib markii ay isku dhaceen Ciidamo ka tirsan dowladda KMG oo galbiniyay gawaari raashin gar-gaar sidday iyo ciidamaddii fadhiyay kontroolka afgooye halkaasi oo ciidamadaasi ay dadka iyo gaadiidka isticmaala jidkaasi lacago ugu qaadaan.

Dagaalka oo aan la ogeyn qasaraaha dhabta ah ee uu geystay ayaa waxaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen ilaa 4, askari oo ka mid ahaa dhinacyadii dagaalamay halka dhaawacu uu intaasi ka badan yahay.
 Waa markii ugu horeeysay oo ciidamo kawada tirsan dowladda KMG uu dagaal culus oo naacani ah uu ku dhexmaro duleedka Magaalada Muqdisho  Ex Contarol Afgooye .

Waa arrin dhici karta shaki inuu kala dhexgalo wada shaqaynta askarta dowladda oo aad u liidatay awgeed, waxaanse rajaynaynaa in ayan noqon mid soo noqnoqata ayuu yiri qof rayid ah oo markaasi ku sugnaa googta uu dagaalaka ka dhacay.

wixi war ah oo soo kordha  waxaad kala soo xirriiri kartaan www.silgor.com

Add New Comment