Malaaqyada Beelaha Xamar iyo Xamar Daye oo sheegay in Sheekh Xasan Dahir ka aqbalay nabad ku soo dabaalida G/Banaadir


War aan kasoo xiganay shabakadda Jowhar ayaa sheegaya in Malaaqyada Beelaha Xamar iyo Xamar Daye oo maanta kulan xasaasi ah la qaatay Hogaamiyaha Ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Dahir Aweys ayaa sheegay inuu ka aqbalay nabad ku soo dabaalida Gobolka Banaadir.

Odayaashan iyo malaaqyada ayaa sheegay in hada kadib aan Sheekh Xasan Dahir lagu tilmaami karin dagaal ooge, iyagoo cadeeyay in haatan uu Sheekh Xasan qaatay nabad iyo xabad joojin.

Malaaq Cali Malaaq Showri Malaaq Colow oo ah Malaaqa Xamar iyo Xamar Daye ayaa sheegay in dhinacyada kale ee Dowladda KMG, AMISOM iyo Xarakada Alshabaab ay kala kulmi doonaan xaalada Gobolka Banaadir iyo nabad ku soo dabaalideeda.

Malaaq Showri ayaa sheegay in talada Gobolka Banadir dadkii ka go'ada ay yihiin, isla markaana aqbalaada uu aqbalay nabada Sheekh Xasan Dahir ay hor dhigi doonaan Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM iyo Xarakada Alshabaab.

Waxaa uu sheegay in Sheekha ay isku wada afgarteen waxyaabihii ay ka wada hadleen, waxaana uu tilmaamay in hadafkooda uu yahay sidii ay nabad ugu soo dabaali lahaayeen guud ahaan Gobolka Banaadir laguna wada noolaan lahaa nabad iyo degenaansho.

Dhinaca kale Sheekh Xasan Dahir Aweys Hogaamiyaha Xisbul Islaam ayaa dhinaciisa sheegay inuu soo dhoweynayo soo jeedinta odayaasha, waxaana uu tibaaxay in kulamadan oo kale ay noqon doonaan mid soomaalida xasilooni lagu raadiyo.

Magaalada Muqdisho oo ay ragaadiyeen dagaalada iyo rabshadaha ayaa waxaa dhinacyada isaga soo horjeeda ay yihiin kuwo shacabka ku dul dagaalamaya, waxaana dagaaladaas ay ka dhasheen barakac baahsan oo ay sameeyeen dadkii ku dhaqanaa Gobolka Banaadir.

Add New Comment