Xaaladda magaalada Muqdisho oo maanta deggan


Magaalada Muqdisho ayey saaka ka muuqaataa degganaansho aan laysku halleyn karin, waxaana weli isku hor fadhiya goobihii ay dagaalladu ka dhacayeen saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ciidamada dowladda KMG iyo kuwa kasoo horjeeda ee Xarakatul Shabaab Al Mujaahidiin iyo Xisbul Islaam.

Dagaallada goobo kala geddisan oo Muqdisho ah ka dhacayey maalmihii la soo dhaafay ayaa inta la og yahay gallaaftay nolosha in ka badan 80 qof oo rayid u badan, ayadoo dhibaatada ugu badanna ay dadka ka soo gaartay madaafiic si arxan darro ah laysugu weydaarsanayey meelaha ay dadka rayidka ahi deggan yihiin.

Ciidamada Dowladda KMG ah  iyo kooxaha Mucaaradka ayaa weli isku horfadhiya goobo badan oo ku kala yaalla waqooyiga iyo koonfurta magaalada, mana muuqato rajo laga qabi karo inay dib ugu kala noqdaan goobihii ay markii hore kasoo dagaal tageen, waxaanna sidoo kale jirin dadaal nabadeed oo laga dhex wado dhinacyada ay dirirtu u dhexeyso.

Meelaha ay dagaalladii ugu ba'naa ka dhaceen ayaa waxaa ka mid ah duleedka degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir oo dhaca dhanka waqooyi ee magaalada iyo degmooyinka Howlwadaag iyo Hodan oo ayagana ku wada yaal koonfurta magaalada Muqdisho.

Rasaasta sida goos gooska ah u dhacaysa ayaa ayadu ah mid dadka reer Muqdisho caadi u ah inay maqlaan, waxaana laga maqli karaa dhammaan goobaha laysku hor fadhiyo ee waqooyiga iyo koonfurta magaalada, waxaana hakadkan yar ee maanta lagu jiro ay dadku u arkaan in laysu diyaar garoobayo oo uu dagaalku mar kastaa qarxi karo.

Dadka reer Muqdisho ayaa Ilaah ka baryaya inuu faraj kheyr qaba u furo oo uu ka qabto kuwa sida arxan darrada ah dushooda ugu dagaallamaya ee madaafiicda ku baabi'inaya naftooda iyo maalkoodaba.

Add New Comment