Wasiirka Amniga qaranka Cumar Xaashi iyo C/kariin Laqanyo oo la dilay

2009618633809145372998655C.Xaashi & laqanyo.JPGQarax is-miidaamin ah oo ka dhacay magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa  lagu dilay Wasiirkii Amniga Soomaaliya Cumar Xaashi Aadan iyo  Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay Itoobiya C/kariin Faarax Laqanyo
Wasiirka iyo Safiirka ayaa geeriyooday kaddib markii iyagoo ka soo baxayay Hotel ay magaalada Beledweyne ka deganaayeen uu qof naftiisa huray oo kaxeynayay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu isku miidaamiyay, iyadoo halkaasna ay ku geeriyoodeen ugu yaraan 50 qofood oo ay ka mid yihiin mas’uuliyiin, howl-wadeenno la shaqeynayay iyo weliba ciidamadii ilaalada u ahaa sidoo kale waxa uu dhawac kasoo gaaray qaraxaasi dad kor u dhaafayo ilaa 100 qofood.
 Ururka Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa waxaa ay sheegteen qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee maanta barqadii  lagu dilay wasiirka Amniga qaranka dowladda KMG Soomaaliya Cumar Xaashi iyo C/kariin Laqanyo oo horay u ahaa safiirkii Ethiopia u fadhiyay Soomaaliya.
wixii war ah waxa kala socotaan wwww.silgor.com


 

Add New Comment