Taliyihii Ciidanka Boliiska Goboka Banaadir Cali Saciid Sheekh Xasan ayaa ku geeriyooday dagaalka saaka ka socda agagaarka Fagaaraha Tarbuunka ee Magaalada Muqdisho

Ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya oo aad u hubaysan ayaa halay saqdi dhexe dagaal ku soo qaaday xooggaaga ka soo horjeeda ee ku sugan degmada Hodan ee gobalka Banaadir.
Dagaalkani oo ahaa mid aad u qorsheysan waxa uu ka bilowday agagaarka Tarabuunka, waxaana uu ku fiday xaafado ka tirsan Degmada Hodan iyo h/wadaag iyo fariisimo ay gacanta ku hayeen xoogaga dowladda ka soo horjeeda .
Dagaalkaa oo aad u xoogan ayaa waxa uu ilaa hadda la  xaqiijiyey in uu ku geeriyooday Taliyihii Ciidanka Boliiska Goboka Banaadir col. Cali Saciid Sheekh Xasan iyo ciidamadiisii qaar ka mid ah oo tiradooda weli aan la ogeyn.
Sidoo kale waxaa  lasoo sheegay in uu dhawac soo gaaray Saddex ka mid ah suxufiyiinta ka howlgala idaacadaha madax banaan ee magaalada Muqdisho kaddib markii uu haleelay madfac hoobiye ah iyagoo jooga  agagaarka Isbitaalka Digfeer halkaasoo ka mid ah goobaba ugu daran oo ay ka soconayaan dagaalada saaka.

Dagaalka Xoogiisu waxaa uu ka socdaa Agagaarka Cusbitaalka Digfeer,fagaaraha Tarbuunka,xera Ruushka iyo Kuliyaddii Jaale Siyaad ee Magaalada Muqdisho.waxaa duqeyn aan loo meel dayin  ku socotaa degmooyinka Hodan iyo H/wadaag,.

Ciidamada Dowladda ayaa lagu wada in dagaalkani ay horumar ka sammeyeen, iyagoo la wareegey goobo cusub oo ay Mucaaradka fadhiyeen markoodi hore.
Dagaalka waxa uu saameyn ku yeeshay Wadada Wadnaha iyo Suuqa Bakaaraha, waxaana istaagay guud ahaan dhaq dhaqaaqii gaadiidka ee halkaas isticmaalayay.
wixii war ah ee soo kordha kala xitriir www.silgor.com

Add New Comment