Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay waqti kooban kula wareegi doonto Gobollo ku yaalla Koofurta Soomaaliya oo ay ka taliyaan Kooxaha ka soo horjeeda


IbbiB.jpgDowladda  Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadday in ay la wareegi doonto gacan ku heynta gobollo dhowr ah oo ku yaalla Koofurta Soomaaliya, kuwaasi oo ay haatan ka taliyaan kooxo ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya.

Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, ahna Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Xukuumadda Midnimada Qaran ee Soomaaliya Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay dowladda Soomaaliya  todobaadyada soo socda la wareegi doonto gobollo dhowr ah oo ku yaalla Koofurta Soomaaliya.

“Haddii Alle idmo todobaadyada soo socda dowladda dadka ku dhaqan gobolladaas waa ay ka dulqaadi doontaa caburinta” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Prof. C/raxmaan Aadan Ibbi.

Prof. Ibbi oo sii hadlayay waxaa uu intaas ku daray in Dowladda Soomaaliya ay hanan doonto ammaanka dalka Soomaaliya, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay shacabka Soomaaliyeed heli doonaan nabadgelyo ay ku naaloodaan.

Warkan uu sii daayay Prof. C/raxmaan Ibbi ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo gobollo dhowr ah oo ku yaalla Koofurta Soomaaliya ay gacanta ku hayaan Xoogag ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya iyo weliba iyadoo degmooyin ka tirsan Gobolka Banaaddir ay isku horfadhiyaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Xoogagga Xisbul Islaam iyo Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo ka soo horjeeda.


Add New Comment