SilGor 6/28/2009 3:42:03 AM
Ayadoo dhowaan ay dowladda Ethiopia sheegtay inaysan haatan diyaar u ahayn inay ciidamo u dirto gudaha Soomaaliya ayaa waxa lagu soo warramayaa in ciidamo Ethiopian ah oo tiro badan, aadna u hubeysan ay soo buuxdhaafiyey qaybo ka mid ah gobolka Bakool
SilGor 6/28/2009 3:20:27 AM
Dagaalo ayaa lagu soo warramayaa inay saaka dib uga qarxeen degaanka Ceel Baraf ee degmada Mahaddaay, dagaalladaas oo u dhexeeya xoogagga Xisbul Islaam iyo Al Shabaab oo isku dhinac ah iyo ciidamada Maxkamada Islaamka ee taageera Dowladda KMG
SilGor 6/27/2009 10:11:58 PM
Allaah ha u naxariistee waxaa maalinnimadii Jimcaha oo bishan aynu ku jirno ee Juun ay ahayd 26 . 2009 magaala Muqdisho ku geeriyootay marxuumad Saynab Ciise Ducaale. Cabdulqaadir Maxamed Cabdi (Marwaale), xaaskiisa iyo carruurtiisa iyo Aweys Xasan Xaaji(Qamarshiid) ayaa waxay tacsi u dirayaan dhammaan qoyskii, qaraabadii iyo asxaabtii ay ka geeriyootay maxuumadda guud ahaan, gaar ahaan
SilGor 6/27/2009 3:37:19 PM
Dowladda iyo dadka reer Jabuuti ayaa maanta oo bisha Juun ay tahay 27 u dabaaldegaya sanadguuradii 32aad ee kasoo wareegtay maalintii ay madaxbannaanidooda ka qaateen gumeysigii Fransiska.
SilGor 6/27/2009 7:07:08 AM
Ciidamo aad u fara badan oo isugu jira Ethiopian iyo maliishiyaad Soomaali ah oo ka tirsan maamulladii hore ee gobollada Bay iyo Bakool ee Dowladda KMG, kuna hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa soo goor
SilGor 6/26/2009 1:21:06 PM
Diyaarado kuwo qumaatiga u kaca ah (helicopters) ayaa galabta lagu arkay meelo ku dhow dhow xeebaha magaalada Muqdisho, dayaaradahan oo joog hoose ku duulayey oo aan haybtooduna la garanayn ayaa sida lagu wado kasoo kacay maraakiibta dagaal ee fadhiya xeebaha Soomaaliya
SilGor 6/25/2009 9:32:31 PM
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, ayaa xaqiijisay in ay sax yihiin wararkii sheegayey in Dowladda Mareykanku hub u dirtay Soomaaliya, ka dib markii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu fasaxay in hub loo diri karo Soomaaliya ayadoo weli aan si rasmi ah loo
SilGor 6/25/2009 6:01:33 AM
Dhambaal qoraal ah oo uu diray Madaxweynaha Dowladda KMG ee Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayuu Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabtu u soo gudbiyey kulanka wasiirrada arrimaha dibedda ee dalalka Jaamacadda Carabta
SilGor 6/25/2009 5:33:18 AM
Warbixin kusoo baxday wargeyska The Washington Post ayaa sheegeysa in dowladda Mareykanka ay shixnado hub ah u soo dirtay Dowladda KMG ee Soomaaliya si ay isaga difaacdo kooxaha xiriirka la leh Al-Qaida ee halista ku ah jiritaankeeda
SilGor 6/24/2009 4:47:19 PM
Hoggaamiyaha Ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys oo shir jaraa’id maanta ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa mar kale sheegay in ay la dagaallami doonaan ciidan kasta oo aajnabi ah oo dalka Soomaaliya la soo geliyo.
SilGor 6/24/2009 12:50:03 PM
Wasiirada Arrimaha Dibedda ee dalalka ku jira Jaamacadda Carabta ayaa waxa uu maanta kulan loogaga hadlaayo dagaallada magaalada Muqdisho iyo guud ahaan xaaladda dalka Soomaaliya uga furmay magaalada Qaahira ee xarunta waddanka Masar
HOL 6/23/2009 4:55:45 PM
Dowladda Uganda oo ay haatan Soomaaliya Ciidamo ka joogaan ayaa shaaca ka qaaday in ay ciidamo dheeraad ah u direyso Soomaaliya, halkaasi oo ay Dowladda Soomaaliya ku heystaan dagaallo ay kala soo
SilGor 6/22/2009 12:29:49 PM
Ra'iisul wasaaraha waddanka Kenya Mr. Raila Odinga ayaa Beesha Caalamka ugu baaqay in la tageero Dowladda KMG ee Soomaaliya, waxna laga qabto oo la wiiqo awoodda kooxaha kasoo horjeeda dowladda KMG oo uu asagu ugu yeeray argagixisada







'
World News