Siddeed ruux oo ka mid ah dhaawacyadda daran ee yaal cusbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho ayaa dibadda daaweyn loogu qaadayaa

Waxaa maanta booqday cisbitaalka  Madiino ee magaalada Muqdishu  wasiiro dhowr ah oo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya ,
Wasiiradaasi oo ay ka mid ahayd wasiiradda  caafimaadka Qamar Aadan  waxay maamulka cisbitaalka Madiina  ku wargelisay in dhaawacyada aadka u daran cisbitaalkana kari waayay in uu u helo Dawo loo diri  doono Cisbitallada Dibadda kuwooda awoodi kara in ay daaweeyaan Bukanadaasi dhibka weyn qaba, waxayna sheegtay in lagu bilaawi doono 8 ka mid ah dhaawacyada aadka u daranee  ku sugan Cusbitaalka Madiina  kuwaaso Dowladda KMG ay usoo heshay dal- ku- gal ( Fiisooyin) waxayna ballan qaaday in qarashka daawada bukaanadaasi ay bixin doonto dowladda KMG.
 Bukaanadaani 8 da ah ee loo helay Fursadda Caafimaad ee dalka dibadiisa  waxa ay wada yihiin dad rayid ah oo iska  danyar  kuwaasoo ku dhaawacmay dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gudaha magalaada Muqdisho.

Add New Comment