Qasaaraha dagaaladii galabta ka dhacay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir oo sii kordhay




Waxaa sii kordhay qasaaraha uu geystay dagaal xoogan oo galabta ka dhacay degmda Kaaraan ee gobolka Banaadir kaasoo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo xoogaga hubaysan ee ka soo horjeeda.

 

Inta la ogyahay 15-ruux oo rayid ah ayaa ku geeriyootay dagaaladii ka dhacay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir kuwaasi oo madaafiici ay  xaafadahooda ugu tagtay.

 

Ilaa 12-ka mid ah dadka dhintay ayaa waxaa ay ku geeriyoodeen Gudaha Masjid ku yaala Degmada Kaaraan halkaasi oo ay ku dhiceen labo madfac oo isku xig xiga,waxaana dadka halkaasi ku geeriyooday ka mid ahaa Aabe iyo Labo caruur ah oo uu dhalay.

 

Halka ay maqshadaasi ka dhacday ayaa waxaa ku dhaawacmay ilaa 5-ruux sida uu Shabelle caawa u sheegay mid ka mid ah dadkii gurmad u fidiyay dadkaasi geeriyooday.

 

Sidoo kale 3-qofood ayaa waxaa ay ku dhimatay Xaafadda Jabuuti ee isla degmadaasi Kaaraan kadib markii iyana  uu ku dulhabsaday Madaafiic ka mid aheyd kuwii la is weydarsanayay sida uu isna dhankiisa Shabelle u sheegay mid ka mid ah dadka deegaanka.

 

Guud ahaan markii la isku geeyo dadkii  ku geeriyooday dagaaladii maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay gaarayaan in ka badan 45-qofood oo rayid ah iyadoo dhaawacuna uu soo caga cageynayo in ka badan 100-ruux.

 


Daawo Sawirada naxdinta badan 











Add New Comment