Sheekh Aadan Madoobe oo ku wargeliyey xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya ee dibadda ku maqan inay ku soo laabtaan magaalada Muqdisho

Guddoomiyaha baarlamaanka dowladda KMG Sheekh Aadan Madoobe oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu dib u bilaabanayo kalfadhiyadii baarlamaanka, isla markaana uu guda galayo howlo fara badan oo hor yaala.Sidaasi darteedna Xildhibaanada fasaxa ku maqan loo baahan yahay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay ku soo laabtaan si ay u gutaan hawsha ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed,

Guddoomiyaha baarlamaanka federalka Soomaaliya Sh.Aadan Madobe, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegaya in xildhibaanada baarlamaanka ee ku sugan Magaalada Muqdisho ay yihiin kuwo tiro yar oo aan buuxin karin kooramkii uu ku qabsoomi lahaa kalfadhiga baarlamaanka,

Sheekh Aadan Madoobe wuxuu intaasi ku daray xildhibaanada aan u hoggaansamin amarka ka soo noqoshada fasaxa inay tallaabo adag ka qaadi doonaan

Add New Comment