T A C S I, waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday Xaaji Aboolo


Allaah ha u naxariistee, waxa galabnimadi maanta oo Khamiisa oo ay taariikhduna  ahayd 11 ka Juun magaalada Muqdisho ku geeriyooday marxuum Xaaji Cusmaan Cabdulle oo loo yaqaanay (Xaaji Aboolo), Xaajigu wuxuu ahaa 80 sano jir, wuxuuna ifka kaga tagay carruur fara badan oo isugu jirta wuxuu dhalay iyo wixii ay sii dhaleen.

Haddaba annagoo kala bahda shabakadda wararka ee www.SilGor.com iyo dhammaan xubnaha U.I.SilGor waxaan halkan tacsi tiiraanyo leh uga direynaa dhammaan qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Al-Marxuum Xaaji Cusmaan Cabdulle (Xaaji Aboolo), kuwaasoo kala ah :

1 - Hooyo Kuusha Maxamed Sheekhunaa, (xaaskii Xaaji Aboolo)
2 - Xabaaba Xaaji Cusmaan, odaygeeda Xaaji Abuukar Xaaji Cumar Maxamed  (Aba Cumar) iyo carruurtooda.
3 - Aweys Xaaji Cusmaan, xaaskiisa iyo carruurtooda.
4 - Sheekhuna Xaaji Cusmaan, xaaskiisa iyo carruurtooda.
5 - Iisho Sheekh Cumar, odeygeeda iyo carruurtooda.
6 - Carabo Xaaji Cusmaan iyo odeygeeda.
7 - Shariifo Xaaji Cusmaan, odeygeeda iyo carruurttoda.
8 - Cusmaan Xaaji Cusmaan, xaaskiisa iyo carruurtooda.

Dhammaan ilmo reer Xaaji Cusmaan Cabdulle waxay kala joogaan dalalka Soomaaliya, Kenya, Sacuudiga iyo UK, waxaanna mar labaad leenahay Jannadii  Fardowsa Ilaah ha ugu bishaareeyo Aabe marxuum Xaaji Cusmaan Cabdulle (Cusmaan Aboolo), dhammaantiinna Allaah haydinka siiyo sabar iyo iimaan. AAMIIN.

Add New Comment