ciidamada dowladda KMG iyo Al- Shabaab ayaa ku dagaalamaaya Waqooyiga Muqdisho.


 Inta u dhaxeysa Galgalato iyo Kaaraan ayaa Barqanimadii maanta waxaa ku dagaalamaya ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo Maleeshiyada Al-shabaab kuwaasi oo is weydaarsanaya hubka nuucyadiisa kala duwan.

Dagaalkaani ayaa waxaa uu daba socdaa dagaalo saakay Al- Shabaab
 ay kula wareegeen deegaanka Galgalato oo ay horay  ugu sugnaayeen ciidamo ka tirsan
dowladda KMG Soomaaliya,waxaana la sheegay in ciidamaddii saakay la wareegay halkaasi
 ay u soo durkeen degmada kaaraan taasoo keentay ciidamo gurmad ah  oo ka
tirsan dowladda KMG Soomaaliya inay isku fara saaraan .
Dagaalka weli wuu socdaa qasaaro wixi uu geestay weli lama ogaan karo, wixi kasoo kordhana waxaad kala socon kartaan www.silgor.com
 

Add New Comment