Ciidamo Ethiopian ah oo soo galay degamada Balanballe


EthioForces.jpgWararka ka imanaya degmada Balanbal ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamo Ethiopian ah oo fara badan kuna hubeysan gaadiidka dagaalka ay maanta gelinkii dambe soo galeen degmadaasi, ayagoona isla markiiba fariisimo ka sameystay dhammaan waddooyinka soo gala degmada.

Waxa kale oo lagu soo warramayaa in ciidamadaasi ay la socdaan saraakiil Soomaaliyeed, ayadoo dadkii rayadka ahaa deggenaa degmadaasina ay durbadiiba qaar ka mid ah billaabeen inay isaga cararaan guryahoodi, sidoo kalena goobihii ganacsigana albaabada loo laabay.

Lama oga sababta keentay in ciidamadan Ethiopianku ay dib ugu soo noqdaan gudaha waddanka Soomaaliya, ayaadoo ay dhowr bilood ka hor ay sheegeen in ay gebi ahaanba isaga baxeen Soomaaliya, kaddib markii ay muddo laba sano ah kala kulmeen kooxihii Muqaawamada iska caabbin uu ka soo gaaray khasaare aad u weyn.

Waxayse talaabadan ay ciidamada Ethiopianku ku soo galeen dalka Soomaaliya noqoneysaa tii labaad oo ay beryahan kusoo galaan Soomaaliya kaddib markii ay maalmo yar uun ka hor soo gaareen degaanka Kala-Beyrka ee gobolka Hiiraan fariisimana ka sameysteen.

Wixii warar ah ee arrintan ku soo kordha fadlan kala xiriira shabakadda wararka www.SilGor.com insha'Allaah.

Add New Comment