Sheekh Cali Maxamed Xuseen ayaa saxaafada ugu soo bandhigay ku dhowaad saddex gawaarida dagaalka oo ay ka qabsadeen ciidanka Dowladda KMG

Wakiilka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee Gobolka Banaadir Sheekh Cali Maxamed Xuseen ayaa galabta saxaafada u soo bandhigay gawaari dagaal oo ay saaka ku qabsadeen dagaal ka dhacay Deegaanka Galgalato, kaasoo ay ka sheegteen guulo wax ku ool ah.

Sheekh Cali Maxamed Xuseen ayaa saxaafada ugu soo bandhigay ku dhowaad saddex gawaarida dagaalka Xerada Maslaxa ee duleedka Suuqa Xoolaha, isagoona tilmaamay inay ku guuleysteen hadafkii ay u galeen dagaalkaas.

"Mujaahidiinta ilaahey guul ayuu siiyay, waadna aragtaan gawaaridan dagaalka oo aan kaga qabsanay ciidanka Dowladda"ayuu yiri Sheekh Cali Maxamed Xuseen oo intaa ku daray in Xoogagooda ay la wareegeen deegaano hor leh oo Duleedka bari ee Magaalada Muqdisho ka mid ah.

Waxaa uu sheegay in wadada marta xeebta ay tahay wado lagu dhibaateeyo dadka safarka ah, waxaana uu tilmaamay in gaadiidka looga qaadan jiray lacago baad ah, isla markaana sababta ay weerarka u qaadeena ay tahay iyagoo ka jawaabayay codsi uga yimid shacabka sida uu hadalka u dhigay.

Xarakada Alshabaab ayaa dagaal saaka ay ku qaadeen Deegaanka Galgalato kula wareegay fariisinka deegaanka Galgalato oo ay ku sugnaayeen Ciidamada Dowladda gaar ahaan kuwa Maxkamadaha ee taabacsan Dowladda.

Add New Comment