Barack Obama oo ka hadlay burcad badeedka Soomaalida


Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa ka hadlay kooxaha burcad badeedka Soomaalida ee xeebaha Soomaaliya ka geysta qafaalashada maraakiibta ganacsi ee isaga kala goosha qaaradaha adduunka, asagoona intaa raaciyey inay sii socon doonaan howlgallada miletari ee ciidamada dalkiisu ku ciribtirayaan burcad badeedka.
 
Mar uu la hadlayey warbaahinta caalamka in yar kaddib uun markii ay ciidamada badda Mareykanku xoog kusoo furteen Captain Richard Philips oo ahaa captainkii markabkii Maersk Alabama ee dhowaantan ay weerarka ku qaadeen burcad badeedka Soomaalidu ee markii dambe ka badbaaday, laakiin ay kooxdu kala hareen captain-ka.

Madaxweyne Obama ayaa sheegay in qatarta isa soo tareysa ee kooxaha burcad badeedka Soomaalidu ay saameysay caalamka oo idil, waxaana uu sheegay in ay khal khal xoogan geliyeen ganacsiga aduunka sida uu yir.

Madaxweyne Obama ayaa ku baaqay in la adeegsado tallaabo walba oo milateri, ee lagula dagaalami karo Burcad badeedka, waxaana uu qeexay in Dowladdiisa aanay marnaba wax gor-gortan la galeyn burcad badeedka sii xoogeystay ee ka howl gala xeebaha ku dhirirsan Soomaaliya oo ay ku jiraan gacanka cadmeed.

Add New Comment