Odayaasha Hawiye oo ku baaqay in dowladda Soomaaliya ka noqoto hadalkii wasiirka Amniga Qaranka


Odayaasha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Hawiye ayaa ugu baaqay Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya in ay ka laabato hadalkii wasiirka Amniga Qaranka ee ahaa u diyaar garoow dagaal oo ka dhaca Muqdisho.

 

Gudoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad ayaa ugu  baaqay dowladda Soomaaliya in ay ka noqoto oo ay raaligelinna ka bixiso hadalkii wasiirka Amniga Qaranka Cumar Xaashi Aadan ee ahaa in ciidamada dowladdu ay u diyaar garoobaan dagaal ka dhan ah cadowga gudaha oo uu ku tilmaamay kooxaha  dagaalada ka wada Magaalada Muqdisho.

 

Maxamed Xasan Xaad waxaa uu sheegay in aysan suuragal aheeyn in odayaashu ay ka soo horjeestaan dagaalada dhinacyada kale ay wadaan, dowladduna ay ku baaqdo dagaalo hor leh oo dhibaato ka soo gaarto dad Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan.

 

Dhinaca kale Hay’adda culumad Soomaaliyeed ayaa iyana dhankooda shalayto waxa ay sheegeen in howlihii Musaalaxo ee ay wadeen  ay dhaawacayaan hadallada aan wanaagsanayn ee ka soo yeeraya masuuliyiinta dowladda qaarkood sida uu sheegay Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ah gudoomiyaha hay’adaasi.

 

Hadaladaani ka soo kala baxay odayaasha beelaha Hawiye iyo hay’adda culumada Soomaaliyeed ayaa waxaa ay ka dambeyeen markii wasiirka amniga qaranka dowladda KMG maalin ka hor uu ugu baaqay ciidamada dowladda  in ay la jihaadaan dhinacyada ku lugta leh dagaalada Muqdisho ka socda.

Add New Comment